Friday, December 19, 2014
Ex-guddoomiye Caddami oo Dhaliilay Buun-buuninta Miisaaniyada
Hargeysa, December 19, 2014 (GNA) – Guddoomiyihii hore ee Hay’addaha Shaqaalaha Dawladda Xukuumadii UDUB, ahna Siyaasi madaxbanaan oo ay inta badan dhexdhexaad tahay afkaartiisa siyaasaddeed, Md. C/raxmaan Ismaaciil Cadami ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimada Maalgashiga iyo Baananka Ganacsi ay u leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka, waxaanu dhaliilay faanka xukuumadda ee ku aaddan Miisaaniyada Qaranka, isagoo dhanka kale sheegay in wadan kasta oo dunida ka mid ahi tartan iyo dedaal ugu jiro sidii dalkooda loo maalgashan lahaa ee uu u buuxin lahaa shuruudaha looga baahan yahay.
Mr C/raxmaan Cadami waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyey Warbaahinta Khamiistii shalay, waxaanu intaa ku daray in aanu jirin wadan miisaaniyadiisu sanadkii tahay $200 million oo dollar, Somalilandna aanu faan u oolin.
waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Wadan kasta oo dunida ka mid ahi waxa uu dedaal iyo tartan adag ugu jiraa sidii dalkooda loo Maalgashan lahaa, sababtoo ah Maalgashiga dibadu iyo ka guduhu marka hore wuxuu sameeyaa oo kobca oo kordha dhaqaalaha dalka guud ahaan.
Geesta kale, waxa Guddoomiye Caddami waxa kale oo uu ka hadlay Arrimaha dhaqaalaha, maal-gashiga, Bangiyada Ganacsiga iyo shaqo abuurista Dawliga ah oo uu sheegay inay dhamaantood ku xidhanyihiin koboca Dhaqaalaha dalka.
“Mida labaad ee Maalgashiga dawladuhu ugu ololeeyaan waxa abuurma malaayiin shaqaale ah. Dalwadaha waaweyn ee xataa qaniga ah kama madhna tartanka ay dalkooda ugu jiraan, marka Maalgashigu kordho dhaqaaluhu wuu kordhayaa, marka Maalgashigu kordho fursadaha shaqo ee la helayaa intii hore way ka badanayaan.”ayuu yidhi.
“Markaa Somaliland oo dhaqaalaheedu uu aad u yar yahay, shaqo la’aantu aad u badan tahay waa khasab inay soo xod-xotaan shirkadaha Maalgashada dunida, shirkii ugu dambeeyey ee Somaliland ku soo jiidanayso maalgashiga caalamiga ah waxa ka mid ahaa kii Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland ka qaybglay 14/10/2014, dawlado badan, kambaniyo badan oo caalamiya ayaa shirkaa ka qaybgalay, shirkaa iyo shirar kale oo badan ujeedadoodu waxay hayd in lagu qanciyo in Somaliland la Maalgashan karo oo fursado Maalgashi oo badani ay ka banaan yihiin.
Laakiin kaalaya Somaliland, ha la Maalgashado ku iman maayaan, Maalgashigu waxa uu leeyahay shuruud iyo arimo soo jiidan kara, hadii arimahaasi kaa maqan yihiin ama inta badani kaa maqan tahay laguugu iman maayo ii-kaalaya oo i Maalgashada.
Shuruudahaa Maxaa ka mid ah?”ayuu yidhi Siyaasi Cadami.
Waxaanu isagoo arrimahaa sii sharaxaya uu yidhi “Waxa ka mid ah shuruuc hunguri galin karta kambaniyada, waxa ka mid ah Amni sugan iyo xasilooni siyaasadeed, waxa ka mid ah Baanan ganacsi oo caalami ah, waxa ka mid ah shirkado Caymis, waxa ka mid ah Maxkamado madaxbanaan oo aqoonteediina leh. Maxkamado madaxbanaan waxaan ula jeedaa shirkadaha Maalgashiga samaynaya ee ajnabiga ah iyo xukuumada Somaliland muran baa dhex mari kara, waa inay noqotaa maxkamad xukuumada Somaliland iyo shirkadaha markay khilaaf iyo muran dhex maro si cadaalad ah u kala xukumi kara, ayaan ula jeedaa Maxkamado madaxbanaan.
Waxa kale oo shuruudaha Maalgashiga soo jiita ka mid ah, waa in wadankaasi ka xor yahay oo aanu ka jirin Musuqmaasuqu ama uu yar yahay, waxa kale oo ka mid ah shuruduaha soo jiita Maalgashiga wadanka gudihiisa laga helaa shaqaale aqoontii iyo xirfadii leh markay u baahdaan, suuragal maaha inay halkan shirkado yimaadaan ama warshado yimaadaan Somaliland oo la yidhaa shaqaalihii xirfadaa lahaa ee warshadan ka shaqaynayey dibada ha laga doono.
Waxa kale oo ka mid ah umada reer Somaliland waa inay u yeelataa dulqaad ajnabiga dalka imanaya ee Maalgashanaya ee kala diimaha ah ee kala dhaqanka duwan waa in dulqaadkeedii bulsho ahaan la sameeyaa, waxa jira shuruudo badan oo kale, laakiin kuwani waa kuwa ugu muhiimsan ee ugu waaweyn.
Shuruudahaa imika shirarkaa aynu ka qaybgalnay ee Madaxweynuhu ka qaybgalay si uu u dhiirigaliyo Maalgashiga Somaliland, ee Madaxweyne ku xigeenku qaar ka qaybgalay, ee Wasiirka Qorshayntu ka qaybgalay, Wasiirka Arimaha Dibadu ka qaybgalay, ee Wasiirka Ganacsiga iyo wasiiro kaleba ka qaybgaleen, dhamaantood su’aalaa la waydiinayaa laga waraysanayo xaalada dalka in la maalgashan karo iyo in kale.
Hadaba su’aashu waxa ay tahay shuruudahaa Somaliland intay buuxin kartaa intaanay buuxin karin? Waxaan aaminsanahay Somaliland mid mooyaane inta kale waynu buuxin karnaa qaarna qiimoba inooguma fadhiyaan buuxintoodu.
Maxaa ka mid ah kuwa aynu buuxin karno? Baananka Ganacsiga ah ee caalamiga ahi waxa ay kaaga baahan yihiin ogolaansho (license) aad siiso oo kaliya ayay kaa rabaan, waxaana loo baahan yahay codsiyo Baanan caalami ah oo lix sanadood golaba Baarlamaanka yaalay, waxay ku xidhan tahay ruqsada inaad bixiso oo kaliya, kuwa kalena waxa ay u baahan yihiin dedaal.
Mid kaliya ayaa inagu adag oo ka baxsan gacanteena, kaas oo ah Jimciyada Quruumaha Ka Dhaxaysaa qiimaynbay samaysaa nabadgalyada dalalka dunida oo dhan lambaro ayay siisaa (number 1, 2, 3, 4) inagu taa qiimahaa ma lihin Jimciyada Quruumaha ka Dhaxaysaa qiimaysa xaalada nabadgalyada dalalka dunida oo dhan. Lambarka Somaliland haysataa Boorama ilaa Burco waa lambarka sadexaad (number three) dalka intiisa kale waa lambarka afraad (number four), lambarka afraad cida haysataa waa Waziristan-ka Pakistan ama Afghanistan taa inagu gacanta kuma haysano balse inta kale oo dhan waynu fulin karnaa.
Baananka Ganacsigu waa maxay faa’iidada ay dalka u leeyihiin?
1) Waa Aqoonsi, Aqoonsiga qaybay ka tahay, oo Baananka caalamka ee la yaqaano marka ay halkan soo dagaan ee laga furo dalka, aqoonsigii kalabadh baad haysaa ee aynu ku rafaadnay ee aynu doonaynay.
2) Waa lagu aaminayaa, markuu Baanankii caalamka ee ganacsigu ku aaminaan ee dalkaagii yimaadaan aaminaadii laguu qabay intaadii hore way ka badanaysaa, dhaqaaluhu si xawilya ayuu u kordhayaa. Waynu ognahay afarta ama tobanka wadan ee ugu saboolsan ayay ka mid tahay Somaliland, hadii la helo maalgashi dhaqaaluhu si xawliya ayuu u kodhayaa, markaynu ku faanayno miisaaniyadeenii Laba Boqol oo Milyan dollar ($200 million dollar) ayay noqotay, bisaraaxa Wasiirka ku faanaya waa laga yaabaa inuu dedaalay laakiin dhaqaale lagu faano maaha, wadan dunida guudkiisa ah oo $200 million oo dollar miisaaniyadiisu sanadkii yahay ma jiro, faana inooma eka. Dhaqaaluhu wuu kordhayaa waanu kobcayaa hadii Baanankaa ganacsi la furo.
3) Faa’iidada ugu dambaysa ee Baananku leeyihiin waxa weeyi boqolaal kun oo shaqo ayaa abuurmaya, hadii maalgashigaasi yimaado, shuruudahaa la buuxiyo shaqo beeli mayn, kuma filin shaqada loo baahan yahay, dheeraadka dibadaynu ka keenaynaa. Markaa Maalgashigan waxa ay dunidu ugu tartamaysaa shaqo abuurkaa kow ka ah”.ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.
Inta badan dadka aqoonta u leh arrimaha Dhaqaalaha ayaa aad u dhaliilsan hal-dhiga Xukuumiga ah ee Kordhinta Miisaaniyada, waxaanay dadka arrintan isha ku hayaa tilmaamayaan inaanay banaanayn in Miisaaniyadda Male-awaal ah Xukuumaddu Olole iyadoo uga faa’idaysanaysa fagaareyaasha kaga baanto, loose baahanyahay inay keento Xisaab xidh-yadii Miisaaniyadihii u dambeeyay, si loo kala ogaado inuu sidii loo odorosay u soo xerooday Dakhliga Miisaaniyada ku jiraa iyo in kale.