Arinka Suldaan Wabar xukuumaddu wax faahfaahin ah kamay bixin inta uu suldaanka laftiisu sheegayna wax la fahmi karo maaha. Ma tabashooyinkii hore ee Awdal bay salka ku haysaa oo Suldaanka cid baa ku wehelisa oo igmatay? Ma tabasho isaga u gaar ah iyo wax uu diidan yahay baa jira? Mise sida loo arki karo talaabada xukuumadda baroortu orgiga ka wayn oo col iyo cadaawe ina galay ama inagu soo fool leh baa jira? Mise shakiga mucaaridka ayaaba run ah oo suldaanka iyo xukuumaddu way is og yihiin oo waxa la abuurayaa waa qulqulad looga gol leeyahay calashaan yay doorasho dhicin. Si kastaba xaalku ha ahaado eh war jiraa cakaaruu iman.
Kolay dhan walba u dhigoo arinkani arin quman maaha Itoobiya oo durba la sheegayo in ay u yeedhay Wasiirkii Arimaha Dibadda iyo weliba Taliyihii Ciidanku lafteeda dhaqdhaqaaq jiidan xasaasiga ahi wuu khuseeyaa waayo waa dhul buuralay ah oo dhuunta kaga jira magaalooyin waawayn, sida Jigjiga, Harar, iyo Dire Dawa. Sidaa daraadeed xadka Tog Wajaale ilaa Gees Diir wixii ka dhacaa maaha wax Somaliland uun khuseeya ee ugu yaraan waxa jira sedex dal oo si toos ah uu saamayn ugu yeelan karo. Gaar ahaan Itoobiya hadii ay dhaqdhaqaaq nabadgelyadeeda lid ku ah ka dareento jiidahaasi gacmaha kama laaban karto waanay qaadi kartaa talaabo hadii ay Somaliland raali ka tahay iyo hadii kaleba.
Sidaa daraadeed aniga waxay ila tahay in khilaafkan sida ugu dhakhsaha badan loo soo af jaro xal siyaasi ah oo nabadeed lagu dhamays tiro xukuumaduna si waali duulka indho la’aanta ah joojiso oo marka hore hogaamiyo dhaqameedka uga dambayso iyo weliba Golaha Guurtida hadii ay weli guurtinimo ku sii hadhsan tahay
Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID
Mu.Cali Guray