Saturday, July 5, 2014

Xal deg deg ah laguma gaadhin shirkii Xakameynta Cudurka EBOLA


Accra(GNA)-Wasiirrada Caafimaadka ee Wadamada uu saameeyay Cudurka Ebola  ee galbeedka qaaradda africa oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku shirsanaa wadaamada chana ayaa isla gartay in la helo  10 milyan oo doolar oo lagu isticmaali doono in lagu dhiso xarun lagula socon doono cudurka Ebola. xaruntaas waxa laga dhisi doonaa dalka Guinea, waxaana loo adeegsan doonaa in lagu sameeyo baaritaano iyo in lagula socdo cudurka si loo xakameeyo cudurkan.




Wasiirada caafimaadka ayaa ka dalbanaya madaxweynayaasha galbeedka Afrika in ay sameeyaan wax intaasi ka badan. Waxay doonayaan in madaxda galbeedka afrika ay mudnaanta kowaad siiyaan sidii wax looga qaban lahaa cudurka Ebola marka ay ku kulmayaan Accra ee dalka Ghana, shir madaxeedkooda waddamada ECOWAS.




Waxay sidoo kale doonayaan in la kordhiyo shaqaalaha caafimaadka goobaha uu cudurkani ka jiro. Waddan kasta waxa laga doonayaa in uu lacago ku biiriyo qasnada deg dega ah ee loogu talagalay in wax looga qabto cudurka Ebola. Agaasimaha hay’adda caafimaadka ee aduunka ee WHO Dr. Lius Sambo ayaa sheegaya in hay’adiisu ay u baahantahay taageero ay ka hesho deeq bixiyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah si ay u helaan lacagaha ay u baahan yihiin in ay wax uga qabtaan virus-ka ebola.




Waddamada uu saameeyey cudurkan ee ay ka mid yihiin Guinea, Liberia, iyo Sierra Leone ayaa sheegay in dhaqanka iyo lacag la’aan yihiin caqabadaha hortaagan in ay la tacalaan cudurkan. Kullankan oo socday laba maalmood haddana kamuu  soo bixin xal deg deg ah. Kullanka ayaa sidoo kale u saaray hay’adda WHO in ay isku dubarido dadaalada wax looga qabanayo guud ahaan waddamadan.