Saturday, July 5, 2014

Garsoorihii Haatuf Xukumay oo diiday inuu bixiyo waraaqihii Xukunka


Hargaysa(GNA)Guddoomiyaha wargayska haatuf ayaa u xaqiijiyay masuuliyiinta ururka solja inuu racfaan ka qaatay xukunkii maxkamada gobolku ku riday 25/6/2014 maalintii khamiistii mar ay jeelka ku booqdeen una gudbiyeen maxkamada racfaanka dalabkooda.




 Dhinaca kale Calawi Cabdi Gaboobe iyo Garyaqaanadii u doodayay masuuliyiinta haatuf ayaa ururka solja u sheegay inuu garsoore asad  diiday inuu bixiyo nuqulkii xukunkii uu ku riday wargayska haatuf iyo masuuliyiintiisii.




Ururka Solja ayaa diidmada xukunka iyo talaabooyinka kale ee lidiga ku ah Saxaafadda walaac xoogan mar kale ka muujiyay.




“ururka solja wuxuu ugu baaqayaa daneeyayaasha dimuqraadiyada iyo xoriyatul -qawlka somaliland inay la socdaan arimaha saxaafada madaxa banaan ee somaliland oo hog madow lagu riday”ayaa lagu yidhi war ka soo baxay SOLJA.