Wednesday, July 2, 2014

Somaliland: Maxaa fashilay Mooshinkii lagu ridayay Maayirka Gabiley?


Xildhibaanadii qaylinayay ma lacag ayay siisteen Masiirkii umadda ee ay difaacayeen?Warbixin




GbaileyHargeysa(GNA)-toddobaadkii hore ayaa fadhi ay doonayeen golaha deegaanka magaaladda Gabiley inay xilka kaga qaadaan maayarka magaaladaasi Shucayb Maxamed Muuse, baaqday ka dib markii sida la sheegay arrintaasi ay soo dhexgashay xukuumadda dhexe gaar ahaan xubno wasiirro ah oo ka soo jeeda gobolka Gabiley iyo badhasaabka Gobolka Mustafe Shiine.




Xildhibaanada  ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ee mooshinka xil ka qaadista maayarka waday oo dhawr iyio toban ahaa, ayaa iyagna waxay toddobaadkii hore sheegeen in ay ka tanaasuleen mooshinkoodii ay ku doonayeen inay xilka kaga xayuubiyaan maayarka.




Sababta ay xildhibaanadu shirka jaraa’id ugu qabteen xafiiska badhasaabka ayaana cadaysay in badhasaabku ku lug lahaa ka noqoshadda mawqifkoodii,  waxaanay xildhibaanadaasi ku sheegeen shirjaraa’id oo ay ku qabteen xafiiska badhasaabka Gabiley, iyaga oo halkaasi ku cadeeyay inay ka tanaasuleen mooshinkoodii aha inay xilka ka qaadaan maayarka, waxaanay tilmaameen in sababta ay mawqifkoodii uga noqdeen ay tahay iyaga oo eegaya danta gobolka iyo ta bulshadii soo dooratay.




Hase yeeshee, ilo wareedyo arrintaasi la xidhiidha ayaa sheegaya in sababta keentay in xildhibaanadu ay ka noqdaan mooshinkoodii ay tahay ka dib markii lacag aad u badan la siiyay qaar ka mid ah xubnihii ugu firfircoonaa ee hawshaasi waday, iyadoo la sheegay in xildhibaanadaasi ay lacagta u qaybiyeen wasiirro ay ka mid yihiin wasiirka maaliyada C/casiis Samaale iyo wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancadde, kuwaasi oo la sheegay in xidhiidh hoose uu ka dhexeeyo maayarka Gabiley isla markaana si gaar ah u naasnuujiyo dhamaanba wixii hawlo iyo dano gaar ah ay uga baahdaan deegaanka Gabiley in uu si dhakhso ah ama bilaa shuruucd ah ugu fuliyo maayarku, taasi ayaana la sheegay inay tahay ta sababta u noqotay in wasiiradaasi ay ku guntadaan in ay baajiyaan fadhigii ay xildhibaanadu inay ku beddelaan  maayarka.




Sido kale dad si aad ah ugu dhuundaloola arrintaasi ayaa sheegay in maayarka magaaladda Gabiely uu dhaqaale aad u badan ku bixiyay sidii loo joojin lahaa mooshinka xil ka qaadista  ah ee lagu waday isaga, waxaana la sheegay inuu lacag badan u qaybiyay cid kasta oo uu isleeyahay  arrinta ayay wax ka qabankartaa.




Kuwaasi oo isugu jira masuuliyin ka tirsan xukuumadda iyo sido kale xubno salaadiin, cuqaal iyo addax dhaqameed ah, kuwaasi oo uu ka mid yahay suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray iyo xubno kale.




Waxaana la sheegay in iyada oo aanay jirin wax xidhiidh ama aqoon ah ooh ore uga dhexeeyay aayarka Gabiley iyo Suldaan Xiiray, balse taasi uu maayarku u adeegsaday lacag kumanaan doolar agh in uu Suldaanka ugu dhiibay dad ay isyaqaanaan, si ay taasina ugu saamaxdo inuu ula hadlo wasiirka arrimaha gudaha oo ay  isku reer yihiin Suldaan Xiiray, isla markaana ay aad isugu dhaw yihin saaxiibaana u yihiin.




Arrimahaasi iy kuwo kale oo isbiirsaday  oo uu lacag aad u adan oo malaayiin ah ku bixiyay maayarka magaaladda Gabiley, ayaa la sheegay inay  u suurto geliyeen  in la joojiyo mooshinkii xil ka qaadista ahaa ee ay ku wadeen xubno aad u tiro badan oo ka tirsan golaha deegaanka Gabiley, iyada oo aan ilaa hada si cad loo ogayn halka ay arrintaasi ku dhamaan doonto.




Si kastaba ha ahaatee, arrinta xusida muddani waxay tahay farogelinta qaawan ee ay  xukuumadda dhexe ee  Somaliland ku samaysay fadhiga caadiga  ah ee ay golaha deegaanka ee la soo doortay doonayeen inay ku ridaan maayarkooda, waxaanay tallaabadaasi cadayn buuxda iyo markhaati u noqonaysaa in xubnaha ka qayb qaatay joojinta arrintaasi inay gacan ku leeyihiin isla markaana ku taageersan yihiin maayarka Gabiley musuqmaasuq baahsan oo uu ku kacay, maamul xumo iyo xil gudasho la’aan ay ku eedeeyeen maayarka xildhibaanadii dalbanayay inay xilka ka qaadaan.




Warbixino hore oo mawduucan ku saabsan: maayirka-gabiley-ma-difaaci-doontaa-madaxtooyada-siilaanyowarbixin/