Baqdaad(GNA)-Maraykanka ayaa kordhiyay Askarta ka joogta Dalka Ciraaq dhowr usbuuc kaddib markii ay ka bilaabmeen Kacdoon Islaami ah oo sameynayaan Suniyiinta Dalkaas.
Tiradda Askarta Ameerikaanka ah ee Ciraaq gaadhay labadii todobaad ee ugu dambeeyay ayaa lagu sheegay 875 Askari.
Ilaa saddex boqol oo Askari oo dambe ayaa gaadhay Baqdaad, kuwaasoo shaqaddooda lagu sheegay inay ilaalin doonaan ammaanka Safaarada Maraykanku halkaas ku leeyahay.
Madaxweynaha Maraykanka Brack obama, ayaa xaqiijiyay in Washington Askar dheeraad ah u dirtay Baqdaad si ay ugu biiraan ilaalada Safaaradda dalkiisu ku leeyahay Ciraaq.
Tirada askarta Marines-ka ee ka hawl-gelaya baqdaad ayaa noqonaysa tiro aad u badan, waxaanay imanaysaa sanaddo ka dib markii ay Milateriga Maraykanku ka soo faaruqeen dalkan.
300 Boqol oo Askari ayaa lagu sheegay inay yihiin Khubaro Ciidanka Ciraaq caawinaya oo ka madaxbanaan Ilaalada Safaarada, waxaana intaas dheer Raxan diyaaradaha dagaalka ah oo maraykanku u diray Ciraaq.
Diyaaradaha waxa ka mid ah kuwa aan Duuliyaha lahayn iyo kuwo kale oo Milateri.
Dhaqdhaqaaq Islaami ah oo awood badan ayaa ku sii fidaya Gobollada waaweyn ee dalkaas, kuwaasoo dagaal kula jira Ciidanka Dawladda.
ISIS oo ah Maleeshiyaad Suni ah ayaa si xawli ah ula wareegay gacan ku haynta dhowr Gobolka.
Labadii Maalmood ee ugu dambeeyay ayaa dagaallo foolka fool ahi ku dhex marayay Magaalada Tikrit Ciidanka Dawladda Ciraaq.
Dadka ka faallooda arrimaha Gobolka ayaa wali ka fikiraya waxa lagu tilmaami karo xaaladaha kediska ku socda ee ka soo kordhay dalkan Reer Galbeedku qabsaday 11 sanno ka hor.
Gobanimonews
London Office
Email; editor@gobanimonews.com