(GNA) Diyaarad Qaad u soo siday Soomaaliya ayaa saaka ku burburtay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Niarobi, iyadoo ay ku dhinteen afar qof oo shaqaalihii diyaaradda ahaa.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku dhacday dhisme ku yaalla garoonka wax yar kaddib markii ay duushay garoonka, taasoo keentay inay burburto, iyadoo ayna jirin cid kale oo waxyeello kasoo gaadhay burburka diyaaraddan.
“Diyaarad nooceedu ahaa Fokker 50 oo ay saarnaayeen afar shaqaale ah ayaa saaka ku burburtay dhisme ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta,” sidaa waxaa lagu sheegay qoraal ay soo saareen maamulka garoonka caalamiga ah ee Nairobi.
Sawir-qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in diyaaraddu ay ku dul dhacday dhisme ganacsi oo ka kooban dukaammo iyo bakhaarro, balse ayna jirin cid wax ku noqotay.
Ilo wareedyo ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in dhammaan afartii qof ee saarnaa diyaaradda ay dhinteen. “Dhammaan afartii qof ee saarnaa diyaaradda way geeriyoodeen… diyaaradda waxaa qabsatay cillad xagga dabka ah, taasoo sabab u noqotay inay dhacdo,” ayaa lagu yidhi warbixin booliisku soo saareen.
Qiiq madow ayaa ka kacay dhismaha ay diyaaraddu ku dhacday, kuwaasoo qaar ka mid ah u muuqday inay ahaayeen kuwo ay dhisme ku socotay. Iyadoo agagaarka garoonka ay ku yaallaan warshado iyo sidoo kale dhismayaal la dagan yahay iyo dukaamo.
Ururka bisha Case e Kenya ayaa sheegay inay heleen maydka hal qof oo ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayna wadaan baadhitaanno ay ku raadinayaan dadkii kale ee ku dhintay shilkan diyaaradeed.
Dhanka kale, madaxa garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta, Eric Kiraithe ayaa u sheegay warbaahinta in muddo kooban la xiray garoonka markii uu shilku dhacay, balse ay dib u fureen, haddana uu garoonku si caadi ah u furan yahay.
Ciidamada booliiska iyo kuwa sirdoonka Kenya ayaa gaadhay goobta ay diyaaraddu ku dhacday, iyagoo halkaas baadhitaanno ka wada, waxaana diyaaraddan ay ka mid ahayd diyaarado maalin walba Qaadka u soo qaadi jiray Soomaaliya.