Thursday, July 3, 2014

FAO oo laba Mashruuc oo Bulshadu soo dhaweysay ku wareejisay Dawladda hoose ee Burco


S2180019Burco(GNA)-Dawlada Hoose ee Magaalada Burco iyo Hay’ada Qaramada midoobay u qaabilsan cuntada iyo beeraha ee  FAO ayaa si wada jir ah xadhiga uga jaray Sariibad laga dhisay xaafadda  Gaha ee magaalada Burco,sidoo kalena dhagaxdhigay  Warshad cusub oo lagu farsamaynayo hargaha Xoolaha.




Xaflad loogu talo galay la kala wareegista Mashaariicdan ay FOA maal-gelisay, ayaa lagu qabtay Hoolka Dawlada hoose ee Burco, taasoo ay kasoo qaybgaleen Madaxda Dawlada Hoose ee Burco, Saraakiil ka socda FAO, xubno metelayay wasaarada xanaanada Xoola ah, Waxgarad iyo marti-sharaf kale.




Maayarku xigeenka  Burco Muxumad xasan Jaamac (Xoday), ahna ku-simaha Maayarka Burco oo ka hadlay xafladaas xadhiga lagaga jarayay Sariibada  iyo Goobta dhagaxa la dhigayay ayaa ka waramay muhiimada ay leeyihiin mashaariicdani. ''waxaan aad ugu mahadnaqayaa Hya,ada FAO ee suurtaglisay sariinada Gaha oo markii hore iyo maanta faraq wayni u dhaxeeyo,dalabkani waxa uu ka yimi Dawlada Hoose e magaalada Burco oo iyagu masuul ka ah dadwaynaha reer Burco,Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo iyana xilwayn iska saaray ayaan iyana u mahhad naqaynaa,Magaalada Burco waa xaruntii xoolaha, dadka reer Burco waxaan leeyahay sidii waxan laynoogu dayactiray waa inaynu u ilaashano”ayuu yidhi Xoday , isagoo intaas raaciyay “hadana waxaynu dhagax dhigaynaa warshad loogu talo galay Hargaha lagu sameeyo,horena Hya,ada FAO waxay inoogu samaysay Kawaankii xoolaha lagu qalayay oo lacag aad u badani ku baxday”.




Xoghayaha Dawlada Hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sh.Cismaan ayaa ka hadlay dhamaystirka iyo bilowga labada mashruuc ee lagu wareejiyay Dawladda hoose.S2180012  S2180025




Waxa uu yidhi'Hay,ada FAO maaha markii ugu horaysay ee ay wax inoo qabto ama ay inoo timaado, dawlada hoose ee Burco iyo Hya,ada waxaa ka dhexeeya wada shaqayn fiican waxaan rajaynayaa inay halkaas kasii socn doonto”.




Madaxda Xafiiska Somaliland ee FAO Maxamed Jaamac oo Xafladda ka hadlay ayaa ka waramay sooyaalkii hawshan wali qabyada ah qaybina dhamaatay ee ay ku wareejiyeen dawladda hoose ee Burco.




Maxamed Jaamac ayaa yidhi''waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xadhiga ka jaro sariibadii Gaha iyo Dhagaxdhiga warshada Hargaha oo wax wayn ka tari doonta baahida reer Burco iyadoo ay magaalada Burco kaalin mug leh ka tahay xoolaa nool.anagu ka FAO ahaan waxaanu jecelaay inaanu idiin qabano Barnaamijyo fara badan oo dhaxal gal ah”.




FAO ayaa sanadihii u dambeeyay Mashaariic kala duwan oo ay ka  mid tahay horumarinta Hilibka ka waday Magaalada Burco.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews  Burco Office




Email: axmedmm9@hotmail.com