Laba sanadood ka dib ka bixitaankii Al-shabaab ee Muqdisho dib u dhiskii yagleelmay oo halis ugu jira inuu kala dhantaalmo.
Muqdisho(GNA)-Weeraro is-daba jooga ayaa dhawrkii Usbuuc ee u dambeeyay Xarakadda Al-shabaab oo ka fuliyeen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, halkaasoo ay xalay qaraxyo ismiidaamina iyo kuwa xeelado kale loo isticmaalay laga fuliyay goobo kala duwan.
Weeraradan ayaa maalmo ka dambeeyay, kuwo kale oo noocooda ah oo laga fuliyay degmooyinka kala duwan ee Magaalada, kuwaasoo lala beegsaday Ciidamada dawladda iyo dad shacaba oo ka agdhawaa meelaha lagu weeraray.
Kooxda Al-shabaab ayaa gudaha Magaalada Muqdisho isaga huleelay badhtamihii sanadkii 2011-kii,xiligaasoo oo ay faaruqiyeen inta badan fadhiisimadii ay ku lahaayeen degmooyinka kala duwan.
Talabaadaasi ayay Kooxdu ku andacootay inay uga danlahaayeen dib u gurasho xeelad, dagaal, hase ahaatee waxa caadatay in wakhtigaasi awoodda Milateri ee Ururka la wiiqay, dabadeed markii ay xaaladdu ku adkaatay ay door bideen inay dibada uga baxaan magaalada.
Tan iyo markii ay Al-shabaab ka baxday Muqdisho, waxa ay shacbiga Gobolku dareemeen degenaanshiyo nabadeed, maadaama ay maalin walba ku dul dagaalami jireen Ciidamada Huwanta ah ee AMISOM iyo Milateriga Dawladda.
Reyn reynta laba sanadood ka hor shacbiga Muqdisho dareemeen ayaa haatan u muuqata mid soo yaraanaysa, ka dib markii todobaadyadii is xigay ee dabayaaqada sanadka ay dar dar geliyeen weeraradoodda ka dhanka ah goobaha Saraakiisha dawladdu ku badantahay .
Dib u soo laba kaceynta dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ee Caasimaddda ayaa lagu sababaynayaa laba arrimood midkooda.
Hoos u dhac ku yimi tayada Ciidamada amaanka ee Gobolka sida uu doono haku yimaadee ayaa ah sababta koowaad ee loo aanaynayo inay fursadda ugu weyn ka heleen Dagaalyahanada Al-shabaab ee gudaha Magaalada qaraxyada ka fulinayaa.
Qodobka labaad ee arrintan lagu sababaynayo, ayaa ah awoodda ciidan iyo cududda Ururka oo soo xoogaysatay, ka dib markii ay sanadkii 2013 askar badan ku soo tababarteen Saldhigyo ay ku leeyihiin Gobollada dalka.
Al-shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay laga qabsaday fadhiisimo badan oo ay ku lahaayeen Gobollada Bay, Bakool, Jubbada hoose, Hiiraan iyo meelo kale, hase ahaatee waxa guulaha laga gaadhay Hal bacaad lagu lisay ka dhigaya istaraatiijiyadda dagaal ee ay ku waajaheen Muqdisho.
Taas ayaa u muuqata inay mar kale awood ciidan ku yeelan karaan Gobolka Banaadir oo hada ah Mishiinka ugu muhiimsan ee Dawladdu ku shaqayso, taasoo khatar amni daro iyo cabsi gelinaysa Hay’addaha kala duwan ee xarumaha ka samaystay intii ay xadiidnaayeen weerarradoodu.
Ciidankii Birmad oo dib suuqa u galay
Warbaahinta Gobolka ayaa maalmahan warinaysay warar sheegaya in Ciiidankii loo tababaray ka hor taga argagixisadu dib suuqa u galeen ka dib markii laba bilood oo isku bixisa Mushaharkooda la siin waayay.
Dagaalo Foolka foola
Ka sekow qaraxyada ka socda Muqdisho, waxa xalay dagaal foolka foola isku waajahay Ciidamadda dawladda iyo Dagaalyahano Al-shabaaba degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.
Dhowr bilood ka hor Al-shabaab
Hogaanka sare ee Ururka Alshabaab ayaa dhawr bilood ka hor khilaaf soo galay sababay inay gacantooda ku khaarajiyaan xubno sar sare oo ururka sida, Ibraahim Af-gaan, Ameeriki iyo saraakiil kale.
Khilaafka ayaa sababay in hogaamiyeyaal ka mida ay Dawladda isu dhibaan , kuwo kalena ilaa hada duurka ku jiraan.
Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa kuwa ka baxsaday inaanay ku dhiman Gacanta Axmed Cabdi Godane, hogaamiyaha Ururkaasi ayaa xabsi ku jira teer iyo bishii jullay ee sanadkii 2013-ka, ka dib markii uu ka soo baxsaday degmada Marka oo xarun u ahayd Ururka.
Khilaafka Madaxda Sare ee Dawladda
Isbedelkii Xukuumiga ahaa ee dalka ka dhacay Bishii hore ayaa saameyn ku yeeshay siyaasadda amniga ee dawladda.
Reysal-wasaaraha cusub ayaan ilaa hada soo dhisin Xukuumad cusub oo talada kala wareegtay Masuuliyiintii xukuumadii hore.
Loolanka loogu jiro wasiirrada cusub ayaa dugsanaya xaalad amni daro oo aad u halis badan, taasoo loo baahanyahay inay masuuliyiinta dawladdu ka fikiraan sida looga hor tegi karo.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com