Friday, January 3, 2014

Laascaanood: Bilayska oo Xoriyaddooda u soo celiyay 4o Dumar ah oo shalay la xidh-xidhay


Laascaanood(GNA)-Ciidamada Bilayska ee Gobolka Sool ayaa xabsiga u taxaabay shalay afartameeyo qof oo Ganacsato ah, magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.




Dadka la xidhay ayaa u badan Haween goobo Ganacsi ku haystay Suuqa Bacadlaha ee Magaalada Laascaanood, kuwaasoo iska hor-imaad Ganacsiga dhex maray koox kale oo Ganacsato ah oo la sheegay inay reer Koonfur yihiin.




Wariye Madaxbanaan oo ku sugan Magaalada Laascaanood, ayaa Gobanimonews u sheegay in Haween 40 gaadhaya oo Ganacsato ah xalay loo taxaabay Saldhiga Bilayska, kuwaasoo garaacis iyo xadhig laysugu daray.




Ma jiro wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay Hay’ddaha amaanka ee Gobolka, hase ahaatee ilo wareedyo madaxbanaan oo laga helay Masuuliyiinta Dawlada ee Gobolka ayaa sheegay in Taliska Bilaysku amray in Dumarkaasi la soo xidh-xidho.




Ganacsatada ayaa ka gadooday Ganacsato kale oo Reer Koonfura oo ka shaqaysta Magaalada, sida uu sheegay mid ka mida goob-joogeyaal ku sugan Magaalada Laascaanood oo Gobanimonews la hadlay.




Warka ayaa intaasi ku daraya in Maanta xabsiga laga soo daayay Haweenkaasi, inkasta oo wararka qaar sheegayaan in wali qaar ka mida saldhigyada lagu sii hayo.




Magaalada laascaanood ayaa sanadkii la soo dhamaaday  amnigeedu soo hagaagayay, ka dib sanado badan oo ay qaraxyo, dilal qorsheysan  iyo iska hormaad dhinacyo kala duwan salka ku hayay ka socdeen.




Gobanimonews




Ceerigaabo Office




Email: editor@gobanimonews.com