Hargeysa (GNA) Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa manta dirtay talaalka xoolaha labaatan kooxood oo lixda gobal oo soomaaliand oo ka bilaabay talaalka xoolaha.
Talaalka kani waxa uusoconayaa laba bilood iyo todoba cisho talaalkaasi waxa uu ku saab san yahay daweyn iyo talaalka xanuunka la yidhaahdo Sanbaabka Riyaha
Waxaana la talaalayaa xoolo ku dhaw 4milyan .
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr:cabdi Awdaahir yuusuf oo tiimankii baxayay kula dardaarmay waxa uuna wasiirka hadaladiisa ka mid ahaa
“cudurkaa laga talaalaya Maanta xoolaha waa mid halis ku ah xoolaha iibgeyntooda ama kobocooda waana cudurka uqaaska ah riyaha .
Waxaana laga talaalayaa ama laga daweynayaa xanuunka ku dhaca Riyaha oo gaadhaya dhamaan lixda gobol soomaaliland Riya gaadhaya 4milyan
Oo ku kala teedsan lixdaa gobol.
Waxaana baxaya shaqaale lagu qiyaasay 100-qof iyo isuduwayaashii gaboladaa iyo xidhiidhiyaashii kormeerayay hawshaa waxa ayna soconeysaa 67-Cisho’’
Wasiirka Cabdi awdaahir yuusuf oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi.
“wasaaradan waxa ay u qaabilsantahay Qaranka in ay daryeesho xoolaha oo ah lafdhabartay Dhaqaalaha dalka oo aynu si joogta ah in aanu sanadii daweynta uga qeeyb qaadano ilaa 3ilaa4-jeer kana waa sanadka bilawgeedii .
Waxaan ku boorinayaa shaqaalaha wasaarada xanaanada xoolaha oo runtii ah shaqaale firfircoon oo farsama ahaan u firfircoon hawlqabad ahaan ufirfircoon
Oo markasta heegan u ah daweynta xoolaha tagana meelo qorfa ah meelo gabiya ah meelo abaar ah meelo barwaaqa ah meel kasta oo neef soomaaliland joogo oo ay goob kasta istaagaan.
Waxaanu dhamaan xooladhaqato meel kasta oo ay joogaan ku boorineynaa in ay gacan siiyaan shaqaalaha u talaalaya xoolahooda una daweynaya waxaanu halkan uga sheegeynaa gudoomiyaasha dagmooyinka maayirada wax garadka cuqaasha in hawshaa gacan laga siiyo waana hawl gidigeen nawada saran dhamaana waan idiin duceynayaa qoladiina tageysa in hawshaa alle idiin fududeeyo”
Waxaa halkaa lagu gudoonsiiyay afartii tiim oo talaalkii hore ugu shaqada wanaagsanaa hawshaas oo uu soo diyaariyay agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Dr:-Cagaweyne waxa ayna kala ahaayeen
Gobolka Saaxil tiim 2- oo lagudoonsiiyay inankii tiimka watay mr:-C/casiis
Gobalka Sanaag Tiim 1- yaasiin
Gobolka Maroodi jeex Tiim 1-Naasir
Sedexdaa Tiim waxa ay noqdeen sedexda Tiim ee ugu wanaagsan xaga Tiimamka
Gobol ahaana waxaa ugu wanaagsan gobolka Maroodi Jeex oo iyana lagdoonsiiyay shahaadadii gobol ahaan Dr:- Xole
Gobanimonews-Desk
Hargeysa/somaliland