Muqdisho(GNA) Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay loo qaybiyey qorshaha Xukuumadda cusub ee uu maalmo ka hor soo magacaabay Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Xildhibaannada ayaa fursad loo siiyey muddo 24saac ah oo ay qorshaha Xukuumadda kusoo eegayaan iyagoo maalinta maanta ahaan ka doodi doona qodobbada ajandaha u ah qorshaha ay Xukuumadda Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh soo dhisay inay ku hawlgasho.
Fadhiga Golaha Baarlamaanka ee shalay oo ahaa fadhiga 57-aad ee kal-fadhiga saddexaad waxaa guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari. Mudane Jawaari, ayaa ugu horreyn isaga oo ku hadlaya afka Baarlamaanka wuxuu ka tacsiyeeyey geerida Allaah ha u naxariistee ku timi Qareen Xasan Sheekh Ibraahim oo Axaddii dalka Maraykanka ku geeriyoodey.
Guddoomiye Jawaari, ayaa intaas ka dib soo jeediyey in Xildhibaannada loo qaybiyo Dhukumiintiga uu ku qoran yahay qorsaha Xukuumadda, isagoo sheegay in ay muddo hal maalin ah haystaan si ay ugu soo indho-indheeyaan iyagoo maalin ka dibna maanta ka doodi doona.
Mudane Jawaari ayaa soo jeediyey in Xildhibaannadu ay qorshaha Xukuumadda koox koox isula soo akhriyaan, hase-yeeshee Xildhibaannada ayaa iyaguna dhankooda soo jeediyey in ay mid mid u soo akhristaan, ra’yigaas oo Afhayeenka Goluhu uu aqbalay, isla markaana uu soo dhaweeyey.
Geesta kale, waxaa intii uu shalay socdey kulanka 57-aad ee kal-fadhiga saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya la dhaariyey Xildhibaan cusub oo kusoo biiray Golaha, Xildhibaankaas oo lagu magacaabo Dr. Maxamed Aadan Waabberi.
Maanta oo Salaasa ah ayey Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ka doodi doonaan qorshaha Xukuumadda cusub ee Ra’iisul-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed uu soo dhisay 17-kii bishan aynu ku jirno ee Janaayo, iyagoo maalinta xigta ee Arbacadana codka kalsoonida u qaadi doona Xukuumadda cusub.
Kal-fadhiga saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo xirmi doona marka codka kalsoonida loo qaado xukuumadda. Dadka Siyaasadda Soomaaliya ka faallooda, ayaa saadaalinaya in Baarlamaanku uu codka kalsoonida siin doono Golaha Wasiirrada ee Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed
GOBANIMO NEWS
MUQDISHO OFFICE