Tuesday, January 21, 2014

Kool Koolintii Madaxtooyadda Ee Maareeye Khadar Cali Gaas Oo Keentay Amar Diido Digreeto Madaxweynaha Qaran


pppp1




 




Maareeyaha(Gobanimonews)21/1/2014- Tv-ga qaranka ee Somaliland md Khadar Xassan Cali Gaas ayaa hadal bahdilaadiyo sharci ku tumasho ah kaga been sheegay Digreeto madaxweynaha Jahmuuriyidda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo uu soo saaray kuna socodsiiyey qaarka mid ah Hay’addo  dawliga ah gaar ahaan kuwo  hore u madaxbanaana hadase uu Hay’addahaasi ku wargeliyey inay wixiii hada ka danbeeya hoostegidoonaan Wasaaraddaha lagu amray,waana isla qodobkaasi uu sida indha la’aanta ah u jebiyey maareeyahan sida la yaabka leh sharciga u dhinac maray.




Khadar Xassan Cali Gaas oo ah Masuul dhawaan uun lugaha kala soo baxay fadeexado musuq maasuq iyo lacag lunsi oo Maamulka Tv-ga qaranka ee uu Masuuliyaddeeda u igman yahay uu sida  Warbaahinta laga sheegay uu kula kacay, fadeexada Musuq maasuqaasi oo gaadhay heer ilaa Hanti dhawrka qaranku uu Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Waciyigelinta iyo dhaqanka ee uu Xafiiskiisa Tv-ga qaranku ku yaalo ay tageen oo baadhitaano aan ilaa hada wax natiijo ah laga haynin uu Hanti hadawrka qaranku ku semeeyey Xafiiskiia.




Hadaba  furdaamintii ay madaxtooyaddu arinkiisa furdaamisay ee Madaxaweyne Xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Seylici) inta uu sida laga wada markhaati ahaa gacanta qabtay Mr Khadar Cali Gaas uu Wasiirka haatan Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka joog  ee Cabdilahaali Maxamed Daahir (Cukuse) uu u geeyey ka codsaday in uu iska Cafiyo si uu hawshiisa u sii wata,waxana taasi barbar socday Cabasho badan oo Shaqaalaha Tv-ga oo Cadaaladdaro iyo Musuq Maasuq baahsan ka tirsanaayey ay Cod dheer Madaxweynaha qaranka ay kaga codsanaayeen in uu ninkan Maareeyaha ah ee sida ay ku doodeen habsami u socodkii shaqada Tv-ga la hadhay uu ka bedelo oo ay ku diirsadeen kana mahadnaqeen mudadii yareyd ee uu Xafiiska dibad wareega ka ahaa balse ay shaqaalahu sida qoraaladdii is daba jooga ahaayee ay dareenkooda diid mada Xafiiska eee Maareeye Khadar Cali Gaas ku salaysna ay ku cabiraayeen ay ku sheegeen in aanay ogoleyn joogitaankisa iyo soo noqoshadiisa waxana hada afkala qaad u dhab ahaanti ku noqondoonta marka ay maqlaan Masuuliyiintii Madaxtooyadda uga ololeynaysay Khadar Cali Gaas in layska cafiyo in uu Digreeto Madaxweynu ku seexan yahay oo Maamulkii Tv-ga lagu Hoos geeyay Wasaaradda uu ka dhex shaqeeyo sida Hay’addaha kaleba Wasaarado kale loo dhex geeyay uu darifirey taas oo sharaf dhac ku noqon karta Nidaamka dawliga ah oon dhigaynin in Go’aan Madaxweyne si shaqsiyan ah looga horyimaado .




Hadii aan Xooga aanu Bulshadda u yar iftiimino Digreetadda Madaxweynaha Somaliland Hay’addaha dawliga ah qaarkood ku hoos geeyey Wasaaraddo kale oo uu Tv-ga qaranka, Hay’adda Qurbo Jooga, Hay’adda Xasuuqa Qaranka, Hay’adda Xidhiidhka WFP dhamaan Hay’addahaasi waxa uu Digreeto Madaxweyne ku hoos geeyay Wasaaraddo kala duwan bal aynu gaar ahaan soo qaadano nuxurka Digreeto ee Tv-ga qaranka iyo sida Wasaaradda Warfaafinta uu Madaxweyne Axmed Siillaanyo u hoos geeyey waxanu u dhigan yahay sidan.




 




1: Tv-ga qaranka waxa la hoos geeyey Wasaaradda Warfaafinta   dhaqanka iyo Wacyiglinta waxana lagu hoos geeyey Xeer Madaxweyne oo Sumaddiisu tahay JSL/M/XERM/24.1288/082082012, kuna taariikheysan 31/8/2012




Waxa weeyaan Sadar ka mid ah Digreetadda uu Madaxweynahu Afarta Hay’addood ee Afarta Wasaaradood ku kala hoos geeyey gaar ahaan kani waxa uu ahaa kii Tv-ga Madaxbananidii uu hore u madaxbaneeyey uu kagala noqday hadana ku hoos geeyey Wasaaradda marka horeba shaqo ahaan iyo Siyaasad ahaanba ay ahayd in uu hoos tago.




Hadaba Maareeyaha Tv-ga Qaranka Khadar Xasan Cali Gaas oo si is miidaamin ah oo guracan Digreetadii uu Madaxweynahu 4-ta Hay’addood ku hoosgeeyey 4-ta Wasaaraddood ee kala duwanay oo Madaxtooyaddu Warbaahinta u dirtay Habeenimadii Sabtidii ee maalinimadii Jimcaha dalka ka dhoofay Madaxweyne Axmed (Siillaanyo) waxa hadaladii uu Wareysiga ku Siiyey Khadar Cali Gaas Somalilandtoday ka mid ahaa “Waxaan filayaa waa arrin si kale loo isticmaalay (Digreetaddu) oo si khaldan loo adeegsaday, Madaxwaynuhu markuu qoraalo soo saarayo nidaam buu leeyahay oo Madaxtooyada ayaa ku shuqul leh, xeer cusub oo Tv-ga ahina ma jiro”




Sida Warbaahintu u qortay Warka  Digreetadda uu 4-ta Hay’addood ee kala ah,Tv-ga Qaranka oo la hoosgeeyey Wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqank,Hay’adda WFP oo la hoosgeeyey Wasaaradda Dib Udejinta,Hay’adda Qurbo Joogta oo la hoos geeyay Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Hay’adda Xasuuqa Qaranka oo iyana la hoos geeyey Wasaaradda Cadaaladda waxana wax lala yaabo ah in Tv-ga qaranku ahayn Hay’adda kaliya ee kaligeed Wasaarad la hoos geeyey balse uu ka mid ahaa afarta Hay’addood ee kor ku xusan waxanu  ay ahayd in uu la mid noqdo Khadar  Xasan Cali Gaas in uu la mid ahaa Guddoomiyayaasha iyo Maareeyayaasha Hay’addaha sida niyad samaanta ah u  aqblay Wasaaraddaha dawliga ah ee la hoos geeyey.




Balse waxa ay u muuqata in uu Maareeyaha Tv-ga qaranka Mr Gaas ka dhigay hal bacaad lagu lisay Abaalka qaybo ka mid ah Madaxtooyadu u gashay ee Xilka loogu soo ciyey ka dib   markii uu sida uu baahiyey Shebeked ka mid ah Mareegaha dalka ka hawlgala oo la yidhaado Somalilandtoday uu Waraysi siiyey,kaasi oo uu gabi ahaanba waxba kama jiraan iyo Been abuur ku sheegay si is miidaamin ah Digreetaddii  Sabtii hore  Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) soo saaray uu ku sheegay.




Waxa aynu eegidoona Ismaqiiqa Maareeye Khadar Xasan Cali Gaas iyo Digteetadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) bal markana sida xaalkoodu ku danbeeyo in hadana sii hore u dhacday Madaxtooyadda laga Xaliyo iyo in ay Bustahiisa dibada u dhigto ?




Gobanimogroub@gmail.com




Gobanimonews/Hargeysa Head Office/Somaliland