Boorama-(GNA)-Ururka samafalka ee towfiiq ayaa maanta waxa uu deeq muraayadaha indhaha oo loogu talo galay dadka indhaha aan waxba ka arkin ama aragoodu yar yahay gaadhsiiyeey dhakhtarka guud ee magaalada borama.
deeqdani oo katimidey ururka SOMAS ee fadhigiisu yahay dalka engriska waxana wakiil ahaa ibraahin cabdi nuux oo ah muwaadin jecel waxtarka dadka tabalaysan.
waxana xilaga ay muraayadahani yimaadeen ay ku soo beeqmaysaa xili qaliin kasocdo dhakhtarka guud ee magalada borama ee DR AADAN FAARAX ABRAAR.
waxana qaliinkani bilaaabay DR, cabdi cilmi obsiiye oo kamida dhakhaatiirta tirada yar ee somalida kutakhakhustay cudurada indhaha islamarkaana ka howlgala dhakhtarka guud ee magaalada borama.
DR. OBSIYE ayaa qaliinkani bilaabay 16/01/2014 kaasi oo ah mid bilaa lacag ah oo uu sheegay in uu usamaynaayo munaasiba dhalashada nabigeena suuban ee muxamed NNKH awgeed.
munaasiba qalabkani lagu wareejinaayey ayaa waxaa siweyn uga mahad celiyey masuuliyiinta caafimaadka ee dhakhtarka oo sheegay inay baahi weyn u qabeen qalabkani ayna kusoo beeqmayso xili uu qaliin kasocdo dhakhtarka, una mahadcelinayaan ururka samafalka ee towfiiq iyo ururka ay deeqdani katimidey ee somas iyo waliba ibraahin cabdi nuux.
waxana aan ogsoonahay in ururka towfiiq iyo somas aan ogsoonahay inay yihiin laba urur oo had iyo jeer ku howlan sidey wax ugu qabani lahaayeen meelkasta oo ay baahi kajirto, anagoo sigaara u xuseyna ibraahin cabdi nuux in uu yahay nin geesiya oo u firfircoon ugargaarida dadka walaalihiiya.
waxana ay intaasi raaciyeen in alaabtani ay tahay alaab aad uwanaagsan oo qiimo leh tayadeeduna wanaagsan tahay islamarkaana ay ubaahan yihiin qargaarka caynkani oo kala ah.
iyaga oo kacodsadey dadka usaaxiibkaa inay walaalahooda haaban ee dhibaataysay ay gargaaraan dhaar ahaan dadka gobaladani meelkasta oo ay joogaan inay ugadhiyaan kawarhayn dhakhtarkooda iyo dadkoodaba.
gabadii alaabtani ayaa kusoobantay xili qaliinka indhu kasocdo dhakhtarka magaalada borama.
Gobanimo news
Mustafe caraale
Boorama-Somaliland