Hargeysa (GNA):- Dagaal Khasaare nafeed dhaliyey, ayaa Ciidammada Maamulka Puntland iyo Fallaagooyin la sheegay inay ka tirsan yihiin Malleeshiyada Al-Shabaab ku dhex-maray deegaan qiyaas ahaan la sheegay inuu 30 KM dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan yahay magaalo-madaxda gobolka Bari ee Boosaaso.
Dagaalkaas ka dhacay duleedka Galbeed ee magaalada Boosaaso ka dhacay saaka, ayaa u dhexeeya Dagaal-yahannada Sheekh Maxamed Siciid Atam oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku biiray sannaddo ka hor, isla markaana fadhiisin ka dhigtay Buuraha Golis ee Deegaanka Galgala.
Illaa hadda si cad looma sheegin xaddiga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, hase-yeeshee, wararka laga helayo deegaanka dagaalkaasi ku dhex-maray Ciidammada Puntland iyo Al-Shabaabta fadhigeedu yahay Galgala, ayaa sheegaya in khasaare badan oo dhaawac iyo dhimasho isugu jiraa ka dhashay, khasaarahaas oo labada dhinac-ba ah.
Wararku waxay tibaaxeen in dhaawaca illaa afar Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland in la gaadhsiiyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland. Hase-yeeshee, dhinaca Kooxda Galgala, ayaan laga heynin war sugan, hase-yeeshee, waxay wararku tibaaxayaan in dhimasho iyo dhaawac labada dhinac-ba ka soo gaadhay dagaalkaas oo la sheegay in la isu-adeegsaday Hubka daran-doorriga u dhaca noocyadiisa kala duwan.
Kooxda Galgala iyo Ciidammada Daraawiishta Maamul-goboleedka Puntland, ayaa marar badan oo hore ugu dagaallamay deegaannada Buuraha Golis ee Galgala, waxaana sannadkii 2013-dii isla deegaanka maanta lagu dagaallamay ka dhacay dagaallo dhex maray Ciidammada Puntland iyo Al-shabaabta Galgala, dagaalladaas oo inta la xaqiijiyey ku dhowaad 50 qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa ay ku dhinteen in ka badanina ku dhaawacmeen. Hase-yeeshee, dagaalkan saaka ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee labada dhinac iskaga hor-yimaaddaan sannadkan bilawga ah ee 2014-ka.
Gobanimonews-Desk
Galgala/Puntland