Borama(GNA) Maamulaha Machadka Saylac ee Magaalada Borama Sh.Xasan Khayre Dirir oo ay Weheliyaan Qaar Ka Mid ah Culumada Borama ayaa waxa ay maanta ka Mahad Celiyeen Deeq Kutuba oo ay soo direen Hablo Muxsaniin ah Oo Ku Nool Dalka Sucuudiga Gaar Ahaan Magaalada Daamam Oo ay Ugu Talo Galeen In ay Ka Faa’iidaystaan Cid Walba Oo Jecel Khayrka.
Hadaba Waxa Halkaasi Ka Hadlay Maamulaha Machadka Saylac ee Magaalada Borama Sh.Xasan Khayre Dirir ayaa waxa ugu Horeyntii Uu Mahad Celin weyn Uu soo Jeediyey Cidii soo Dirtay Kutubtan Oo Uu Sheegay In ay Kutubtii ay soo direen ay heleen isla markaana ay ka mahad celinayaan in uu ilahay wax khayr qaba uu Ugu Badelo Hablaha Muxsiniinta ah Ee Soo Diray.
Sh.Xasan Khayre Dirir Oo Hadalkiisa Sii Wata ayaa waxa kale oo uu sheegay “Kutubtani Waxa ay Yihiin Kuwo ay Maktabadu ay Aad ay Ugu Habnayeen Waana Wax Waqfi ah Oo ay Ilahay Darti ay Ula Baxeen Waligeedna Inta ay Kutubtaasi ay Jirto Uu Carisku Uu Yahay Mid Uu Socda.”
Sh.Xasan Khayre Dirir ayaa waxa uu Baaq Uu Diray Cid Walba Oo Jecel Khayrka In ay Ka Qayb Qaataan Horumarka Ka Socda Machadka Saylac Isla Markaana Uu Sheegay In ay Wixii ay Awood ay Ku Darsadaan Machadka Saylac Si ay Ardayda Dhigata Ay Noqoto Mid ay Ka Faa’iidaystaan.
Waxa Kale Oo Iyagna Halkaasi Ka Hadlay Sh.Xasan Daheeye Axmed ,Sh.Maxamed Daahir Dhawal Iyo Maxamed Haaji Abubakar ayaa waxa uu Hadalkoogu Uu Ku soo Biyo Shubanayey In ay soo Dhawaynayaan Cid walba Oo Jecel in ay Bulshadooda ay Kor Uu Qaado Dhinaca Diinta Oo ay Sheegeen in ay Uu Tahay Mid ay Xaga aleh ay Badalkeeda ay Heli Doonaan..
Si Kastaba Ahaate Machadka Saylac ayaa Ah Machadka Kaliya Ee Bulshada Reer Borama Ee Jecel Diinta Islaamka Ay Ku GolGoleen Taasi ay Ku Cadaysanayso Ardaydii Machadkaas ka QalinJabiyey ay Noqdeen Kuwo Cilmigii ay Barteen Ku Aflaxay.
Mustafe caraale
Gobanimo news.com
Borama-somaliland
B