Wednesday, January 22, 2014

Garoowe: Dawladda oo Olole Cashuur uruurin ah ku qaaday Gaadiidleyda


Garoowe(GNA)-Magaaladda Garoowe iyo Deegaanada kale ee Puntland waxa ka socota Olole Cashuur uruurin ah oo Gaadiidka lagaga qaadayo saddex biloodka hore cashuur sanadeedka 2014.




Ciidamadda amaanka iyo kuwa Waddooyinka oo iskaashanaya ayaa Magaalada Garoowe maalmihii ugu dambeeyay gaadiidka aan cashuurnayn ka raafayay waddooyinka  magaalada dhexdeeda mara iyo meelaha Kaantaroolada.




Saraaakiisha Dakhli uruurinta ayaa amar lagu siiyay inay muddo ku soo xareeyaan Cashuurha kala duwan ee Gaadiidka.




Wariye ka tirsan Gobanimon ews oo booqday Xarunta Wasaaradda gaadiidka ee Magaalada Garoowe ayaa halkaasi kula kulmay gawaadhi badan oo halkaasi lagu cashuurayo, kuwaasoo ay ciidanku ka soo qab-qabteen waddooyinka.




Qaar ka mida gaadiidlayda oo Gobanimonews la hadlay, ayaa sheegaya in cashuurta si kid-kidaad ah sanadka looga qaadayo, isla markaana sidii hore laga kuleeyay.




Kastamadda gaadiidka iyo baddeecadaha lagu cashuuro, ayaa iyagana caynkan oo kale baabuurta loogu adkeeyay inay cashuurta ku bixiyaan, iyadoo sida Gaadiidlayda qaar noo sheegeen aan gaadhi bilaa cashuur ah loo ogolayn inuu Magaaladda soo galo.




Gaadiidka ayaa saddex biloodka cashuurta laga qaadayaa lacag gaadhaysa saddex Konton Dollar ($53), taasoo ay qaarkood cabasho ka muujinayaan.




Haw-laha dakhli uruurinta ayaa ku soo aadaya xili uu bishan horaanteedii Isbedel maamul ka dhacay Gobolka, isla markaana doorasho lagaga guulaystay xukuumadii Faroole ee waddanka hogaaminaysay shantii sanadood ee la soo dhaafay.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com