Goolhayaha kooxda Borrusia Dortmund iyo Xulka Jarmalka Roman Weidenfeller ayaa u digay saaxiibkiisa kooxda Dortmund Ilky Gundogan kaas oo wali aan gaarin wax go’aan ah xili kooxaha Real Madrid iyo Manchester United ay doonayaan.
23-jirkaan reer Jarmal [Gundogan] ayaa ah mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda walow uu haatan dhaawac ka yahay waxaana lala xiriirinayaa inuu kooxda isaga tago sanadkaan.
Si Kastaba Goolhaye Roman Weidenfeller ayaa digniin culus u diray Gundogan isagoo tusaale usoo qaatay labada wiil ee Nuri Sahin iyo Shinji Kagawa kuwaas oo ku kala biiray Kooxaha Madrid iyo United isla markaana arkay in nolosha ka baxsan Signal Iduna Park ay tahay mid kulul.
Inkastoo Nuri Sahin uu soo laabtay isla markaana uu haatan Dortmund caawiyo hadana Kagawa ayaa wali dareemaya xanuun la mid ah kii Sahin madama uu haatan kursiga keydka daris la noqday.
“Waxaan kula talin lahaa Gundogan inuu iska joogo Dortmund” ayuu kabtanka kooxda u sheegay Kicker
Ugu dambeyntii talada Roman Weidenfeller ayaa noqon doonta midii ugu dambeysay ee Gundogan la siiyo madama uu horay ula taliyay Macalin Jurgen Klopp waxaana laga warsugi doonaa jawaabta uu wiilkaan Turkiga ah balse qaatay dhalashada Jarmalka uu bixiyo maalmaha soo aadan.