Wednesday, January 22, 2014

Manchester United Oo Xaqiijisay Waqtiga Uu Garoomada Kusoo Laaban Doono Wayne Rooney


SPT_2014-01-01_SPO_070_30153683_I1Kooxda dhibaatooyinka ay hadheeyeen ee Manchester United ayaa war wanaagsan heshay maanta kadib markii uu tababar buuxa bilaabay hogaamiyahooda reer England Wayne Rooney.




 




Wiilka Dahabiga ah ee Xulka England Rooney ayaa dib ugu soo laabtay maanta xerada tababarka ee Kooxda Man United Carrigton kadib markii uu hawo badalasho u aaday dalka Masar.




 




Man United ayaa xaqiijisay in Wayne Rooney uu safan doono kulanka ay Arbacada la ciyaari doonaan Sunderland kulan ka tirsan Koobka League Cupka oo ay la balansan yihin waana lugtii labaad inkastoo lugtii hore barbardhac ay kusoo dhameysteen.




 




David Moyes ayaa war farxad leh u arka in Rooney uu ka mid noqdo wiilasha wajahi doona naadiga Bisadaha Madow lagu neynaso inkastoo aysan hubanti aheyn inuu ciyaaro 90-ka daqiiqo madama uu dhaawac kasoo toosay.




 




Khadka Dhexe United ayaa dagi doona kulanka Sunderland waxaana wanaagsanan doonta niyada Jamaahiirta Kooxda Man United kuwaas oo ay wali maskaaxdooda kasii dhex guuxeyso dhibaatadii Chelsea.