Tuesday, January 21, 2014

Wasiirka Maaliyadda Oo Xilkii Ka Qaaday Agaasimihii Waaxda Cashuuraha Bariga Somaliland


samaaleHargaysa{GNA}Wasiirka Maliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii waaxda Cashuuraha Barriga, Maxamed Axmed Ducaale, waxaana xilkaasi loo Magacaabau masuul lagu magacaabo Maxamd Axmed Cawad, sida lagu sheegay digreeto uu maanta soo saaray Wasiirka Maaliyaddu.




Wasiirka Maaliyadda Somaliland, ayaa sidoo kale Agaasimaha waaxda Kastamada u Magacaabay Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye oo hore loogu bedalay masuulka maanta loo Magacaabay Agaasimaha waaxda cashguuraha bariga Somaliland.




Lama oga sababta rasmiga ah ee uu Samaale xilka uga qaaday Agaasimihii Cashuuraha Barriga hase yeeshee waxa maalmahanba soo baxayey tan iyo intii la magacaabay in hoos u dhac ku yimi dhinacii cashuuraha Barriga.




 




Dhawaan waxa magaaladda Laascaanood Lacag aan xadigeeda la ogayn kala baxsaday waaxda Cashuuraha Barriga Qasnajigii Gobolka Sool oo dhan, kaasoo aanay wasaaraddu wax badan kala socon, hase yeeshee masuulka la eryey saxaafadda u xaqiijiyey baxsadkiisa, isagoo wakhtigaas sheegay in aanu hubin




Gobanimo news




Hargaysa-office