"Colaadda ka taagan wadanka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa faraha kasii baxaaya iyadoo iminka uu lugaha la galay arrimo diimeed".
Dad aad u careysan oo Kirishtaan ah ayaa magaaladda caasimadda ah ee Bangui ku dilay labo qof oo Muslimiin ah deetana ay gubeen meydadkooda meel fagaare ah.
Qaar kamid ah kuwa kirishtaanka ah ayaa sheegay in ay sii wadi doonin falalka ay kula beegsanayaan dadka muslimiinta ah.
Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka wadanka ayaa la filaaya in maanta oo isniin ah ay doortaan Madaxweyne cusub oo kumeelgaar ah, asbuuc kadib markii uu xilka ka degay Madaxweynihi hore.
Hay’addaha Gargaarka ayaa sheegay in jimcihi lasoo dhaafay weerar lagu dilay ugu yaraan 22-qof oo muslimiin ah kuwaas oo loo daabulayay wadanka Cameroon ay deriska yihiin. Waxay sidoo kale sheegeen in ay aaseen inka badan 50-qof oo meydad ah oo lagu dilay rabshadaha.
Ciidamada Faransiiska iyo kuwa Midowga Afrika oo u jooga arrimo nabad ilaalineed ayaa la tacaalaya sidii xal ugu heli lahaayeen rabshadaha wadanka ka jira.
Midowga Yurub ayaa dhowaan shaaciyey in Ciidamo usoo diri doonaan wadanka sidii usoo afjari lahaayeen colaadda.
Dhowaan ayay ahayd markii kooxo Kirishtaan ah ay dileen dad muslimiin ah deetana ay cuneen hilibkooda
Gobanimo news