Hargeysa (GNA)-Garoonka diyaaradaha ee EGAL Intranational Airport waxaa maanta soo fadhiisatay Diyaarad xamuul ah oo nooceedu yahay Boeng 727, lagana leeyahay Dalka Ruushka.
Diyaaradan oo ah kuwa xajmiga weyn ee xamuulka qaada ayaa imaatinkeeda madaarka caasimaddu waxa uu qayb ka yahay hagaajintii iyo casriyayntii sanadkii dhamaaday lagu sameeyey gegidaasi diyaaradaha, taasoo suurogal ka dhigtay in madaarku u hawlgalo hanaan caalami ah isla markaana ay soo fadhiistaan diyaaradaha waaweyn ee xamuulka iyo rakaabkaba isugu jira.
Catain-ka diyaaradani oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in aanay wax dhibaato ah kala kulmin ku soo degitaankii madaarka isla markaana uu yahay mid leh waxyaabahii lagama maarmaanka u ahaa inay soo ku soo degi karaan diyaaradaha xajmigoodu weyn yahay.
Dhanka kalena maamulaha shirkadda diyaaradaha ee Jubba Airways Md Khadar Beyle waxa uu ku wargeliyey dadweynaha Somaliland gaar ahaan ganacsatada in Diyaaradani qayb ka noqon doonto diyaaradaha xamuulka ah ee badeecadaha keena dalka iyadoo todobaadkiiba labo duulimaad ku iman doonta magaalada Hargeysa
Gobanimo news
Hargaysa-somaliland