Xirsi oo soo dhaweyn loo sameeyay loogu bedelay Shiid iyo shoobaro markii uu amray in XIldhibaan la xidho
Oodweyne (GNA)-Xiisad ayaa ka dhalatay talaabo Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ku amray in la xidho Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Oodweyne, kaasoo ay isku maan dhaafeen Xaflad maanta ka dhacday xarunta Golaha Deegaanka ee Degmadaasi oo ay dadweyne kula hadlayeen wefti uu hogaaminayaa.
Wefti isugu jira Wasiirro iyo xildhibaano uu hogaaminayo oo goordheyd halkaasi gaadhay, ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalda, hase ahaatee shiid iyo Buuq lagu abuuray, ka dib markii ismaandhaaf ku dhex maray Wasiir Xirsi iyo Xildhibaan Sidiiq oo ka mida Golaha Deegaanka, kaasoo ka dhashay khudbadihii xafladda laga jeedinayay oo xildhibaanka loo diiday.
Xubno ka midda dadkii ka qayb-galay xafladda ayaa Gobanimonews u sheegay in Wasiir Xirsi iska hortaagay inuu xaflad ka hadlo xildhibaanka,wax yar ka dibna uu ku amray inay xidhaan Ilaaladdiisa gaarka ahi.
“Xafladda sidii ay u socotay, ayaa xildhibaankaasi yidhi waan hadlayaa, dabadeed wuxuu ku yidhi hadli maysid, xildhibaankuna wuxuu aqbalay, laakiinse wax yar ka dib ayuu ciidankiisa ku yidhi xidha,markii laysku dayay in la xidhana waxa bilaamay buuq iyo mudaharaad”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida ka qayb-gelayaasha Xafladda oo ka cudur daartay in magaciisa la shaaciyo.
Kaasoo intaasi ku daray “intaasi markay dhacday waa la kala yaacay, waxaana dhacay shiid iyo rabshada, laakiinse iminka xaaladu way degentahay”ayuu intaasi raaciyay.
Ma jiro wax wara oo ka soo baxay dhinaca weftiga iyo cid la socota oo dhinacooda warkan ka xaqiijisay, balse warku wuxuu intaasi ku darayaan in ilaa hada weftiga xirsi hogaaminayaa ku sugan yihiin Magaalada Oodweyne,halkaasoo ay u joogaan arrimo la xidhiidha mashaariic cusub oo la dhagax dhigayo.
dhinaca kale, warar kale oo madaxbanaan ayaa sheegay in laba qof ku dhaawacmeen rabshadaha ka dhex maray weftiga iyo dadweynaha.
warku wuxuu intaasi ku darayaa in dad la xidh-xidhay, kuwaasoo lagu eedeynayo inay mudaharaadka ka qayb qaateen.
Xubnaha weftiga ku wehelinaya waxa ka mida Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, oo uu ka mid yahay Xildhibaan Khadar Ambasador.
Wariyeyaal la socda weftiga ayaa sheegaya in saacadaha soo socda weftigu gudo geli doonaan hawlaha ay u socdeen.
Waa markii ugu horeysay ee dhacdadan oo kale uu kala kulmo Oodweyne Wasiir Xirsi oo maalmahan ku mashquulsanaa Mashaariicdii waddooyinka ee uu liishaanka ku hayay ilaa badhtamihii sanadkan.
Gobaimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com