Thursday, January 2, 2014

Telesom oo Carwada 6-aad ee Somaliland Macaamisheeda kaga Haqab tiraysa adeegyada ay bixiso


Adeegyada Isgaadhsiinta kala duwan, Salaama Bank iyo SOM-GAAS oo lagu mataaneeyay qiimo dhimis iyo casriyayn +Sawirro








Hargeysa(GNA)-Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa maanta si weyn ugu soo bandhigtay wax qabadkeed bandhig Carweedka 6-aad ee Ganacsiga Somaliland, taasoo ka socota Hudheelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa.



Telesom, ayaa ah shirkadda ugu faca weyn Shirkadda Isgaadhsiinta Somaliland, loogana adeegyo kala duwan oo ay Macaamiisheed  si joogto ah ugu soo kordhiso.




Shirkadda ayaa Carwada ku soo bandhigaysa Carwada adeegyada kala duwan ee ay bixiso iyo kuwo cusub oo casri ah oo ay qiimo dhimis ku samaysay.




Dhanka kale faracyada shirkadda Telesom Group ee  Salama Bank iyo SOMGAS oo ah shirkadii ugu horeysay ee dalka keentay qalabka Gaaska cuntada lagu kariyo kaas oo wax badan ka taray dhaqaalihii qoyska iyo ilaalinta dhirtii la goynayey ee dhuxusha laga samaynayay, ayaa carwadaasi ku soo bandhigaya adeegyaddooda qiimo dhimis lagu sameeyay.




Dhanka kale saraakiisha sarsare ee shirkadda Telesom Group ee ka hawlgala qaybaha kala duwan ee ay shirkaddu ka koobantahay ayaa lagu arkayaa iyagoo heegan ugu jira sidii ay macaamiisha ugu soo dhaweyn lahaayeen goobta ay kaga jiraan carwada.




Xubno ka mida Saraakiisha sar sare ee Shirkadda oo ka hadlay xaflada furitaanka Carwada ayaa ka waramay waxyaabaha shirkaddu ku soo bandhigayso carwadda.




ku xigeenka madaxa qaybta  Iibka iyo Suuq-gyenta ee Shirkadda Telesom Maxamed Axmed Cabdi [Darbo] ayaa ka warramay kaalinta shirkadda Telesom kaga jirto adeegga bulshada gaar ahaan dhinaca Telefoonada iyo Internetka oo uu sheegay hadda wixii ka dambeeya inay dadku ku isticmaali karayaan si lacag la’aana.




“sanadkan Bandhiggan carwada waxaanu kaga soo qaygalay  magaca Telesom Group run ahaantii shirkadda Telesom waa shirkaddii ugu horeysay ee wadankan ka hana qaaday marka laga hadlayo waxa -wada lahaan shaha-layidhaado”ayuu yidhi.




Mr Darbo ayaa intaasi ku daray “runtii wada lahaanshahaa waa lagu macaashay waxaana shuraaku ku ah in ka badan 1500 oo qof oo reer Somaliland ah oo dalka gudihiisa jooga ama dibadahaba ku maqan”




Ku xu xigeenka Madax Iibka iyo suuqyenta Mr Darbo waxa uu mid mid uga waramay waaxyaha ay ka koobantahay Telesom Group waxaanu yidhi “Baanka Salam oo aad ogtihiin inuu yahay mid waxbadan ka qabtay adeegga dadweynaha isla markaana  ku shaqeeya nidaamka islaamiga ah isla kaas oo aad uga barateen inuu isugu kiin xidhay adeegyo kaladuwan oo uu kamid yahay adeegga Kaafi la yidhaado” ayuu yidhi.




Sidoo kale Mr Darbo waxa uu sheegay inay dadku lacagahooda sidii Jeegg ahaan oo kale kagala bixi karaan Baanka Salaam “markasta oo aad doontaan Baanka Salaam waxaad lacagihiina kagala bixi kartaan Jeegga.




“waxaa kale oo aanu maanta  meensha keenay shirkadda SOMGAS oo ah mid aanu ugu talo galay istaraatiijiyadda fogg inaanu ka dhino mustaqbalka shirkadda ugu weyn ee wadamada Gaaska  Bariga Africa oo dhan ka Iibin doonta Gaaska”.




Mr Darbo waxa uu sheegay inay qorshaynayaan ka SOMGAS ahaan inay hoos u dhigaan qiimaha dhuxusha lagu kala Iibsado suuqyada Somaliland kadib marka ay ku baahiyaan adeegga Somgas kaas oo ka jabnaan doona qiimaha dhuxusha la siisto wakhdigan xaadirka “adeega Somgas waxaanu  ugu talo galay inuu kajabnaan doono dhuxusha qiimaheeda”.




Dhanka kalana Mr Darbo waxa uu sheegay inay saldhigg wayn ka bilaabeen magaalada Berbera ee xaruta Gobalka Saaxil kaas oo ay ugu talo galeen inay ka hagaan baahinta adeegga Somgas ee laga soo dajinayo Marsada Berbera si loo gaadhsiiyo Gobalada kale ee dalka oo dhan ?runtii hadda waxaanu magaalada Berbera ka wadnaa base ?wayn [saldhig] oo lagu farxikaro?




Maxamed Axmed Cabdi Darbo ayaa sidoo kale sheegay “shirkadda Telesom oo aad uga barateen inay horeyba idiinku haysay adeegyo kaladuwan maantana waxaan halkan idiinku bushaaraynayaa gaar ahaan dhalinyarada oo aad u sticmaala Facebooka iyo Tweeter-ka inaanu keenay Internen uu aad u sareeyo xawaarihiisu oo maanta saacadda laga bilaabo ay dadku Mobile-ladooda ka galikarayaan internet la’aan”.




Mr Darbo waxa uu sharaxaad ka bixiyey maadaama uu sheegay inaanay dadku u baahnayn inay adeegsadaan Internet inay inay shirkadda Telesom u soo diri karaan Nomeber-ka 400 oo kaliya kadibna loogu diiwaan galin Mobile-ladooda si aanay ugu baahan adeegga Internetka iyo soo xidhidiisa midnaba waxaanu yidhi “dadku waxay noo soo diri karaan Emailalooda iyo Passward-kooda iyaga oo saa garaacaya Nomberka 400 oo kaliya markay doonayaan inay adeegan oo bilaasha ku isticmaalaan Mobile-ladooda.




“markaad intaa u soo dirto Telesom wixii ka dambeeya waxaad noqonasyaa Online adiga oo asxaabtaada Facebook-gu hadii ay tusaale ahaan dhann yihiin 100 qof ama 200 oo qof inay markaliya kuu soo gali karaan oo lagugu xidhi doono adiga oo hadba kii aad doonto la hadlikaraya” ayuu hadalkiisa raaciyay.




Masuulkan sare ee u hadlayey Shirkadda Telesom Maxamed Axmed Cabdi Darbo waxa uu gabagabadii madasha kaga dhawaaqay inay shahaado sharafeed gudoon siinayaan Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil [Saylici] taas oo ay xukuumadda uu Madaxweyen Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ku mutaysatay inay wax badan dalka ka qabtay.




“goor gaaban hadalkeed-na gaaban hadana waxaanu ka shirkad ahaan Madaxweyne kuxigeenka gudoonsiinaynaa shahaado sharafeed ay ku mutaysteen waxqabad koodii fiicnaa 3 dii sano ee ay talada hayeen iyo inay fuliyeen balan qaadyadii ay ku balan qaadeen markii ay mucaaradka ahaayeen ku soo dhawaw Madaxweye ku xigeen shahaado sharafta”.




 



Ugu dambeyn waxay xafladaasi shirkaddu ku bixisay Shahaadada ay xukuumadda guddoonsiiyeen, iyadoo ay masuuliyiintii Madaxweyne ku-xigeenku ka mid ahaana ka guddoomeen, isla markaana ku amaaneen shirkadda fursad ay siisay Macaamiisha iyo doorka ay kaga jirto horumarinta Ganacsiga waddanka.




Adeegyada Shirkaddu soo bandhigayso ayaa halkaasi laga helayaa maamaha ay carwaddu socoto, taasoo fursad weyn u ah Macaamiisha iyo dadweynaha kale ee xidhiidhka la leh.




Halkan ka Daalaco Sawirro:




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com