Thursday, January 2, 2014

Ururwaynaha ARDAA Ee Gobolka Awdal Oo Bulshada Reer Awdal Ugu Bishaareeyay Bilowga Dhismaha Wajigii Hore Ee Dekeda Lughaya.


Boorama-(GNA)-Waxay ahayd maalmihii udanbeeyay markii goobaha ay ku kulmaan bulsha waynta gobalka awdal ay isla dhexmarayeen in Pro:Axmed ismaaciil samatar uu usoo laabtay sidii horay loogu furi lahaa dekeda lughaya ayaa waxa maanta waxa si rasmi ah uga waramay arintaasi dekeda ururwaynaha ARDDAA ee gobolka Awdal oo isagu gacanta ku haya qaadhaan ururinta dekeda shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskooda magaalada Boorama ayaa waxa ay kaga warameen laba arimood oo ay uga gol lahaayeen shirkaasi waxana halkaasi  ka hadlay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka Ee Ururkan.




Ugu horeyna waxa ka hadlay gudoomiyaha ururka ARDAA ee gobolka Awdal Sheekh Xasan Daheeye Axmed waxa uuna u mahadnaqay cid walo oo ka qayb qaadatay dhiirigalinta iyo waxka qabashada dhismaha dekeda lughaya waxa uuna muujiyay rajo wayn oo uu sheegay in ay soo iftiimayso taas oo uu alle ka baryay in uu riyadooda rumeeyo.




Sidoo kale waxaa isna ka hadlay Sheekh maxamed Daahir Dhawal oo ka mid ah mas’uuliyiinta heer gobol ee ururkan waxa uuna sheegay in ay dhawaan bilaabi doonaan wajigii ugu horeeyay ee  dhimaha dekeda lughaya ,waxa kale oo uu sheegay in jaaliyada dalkaasi NORWAY u soo sheegtay ururkan ARDAA in ay dhawaan kulan qaban doonaan qaadhaan loogu ururinayo dekeda lughaya taasina waxa uu sheegay in ay qayb ka noqon doonto dadaalada loogu jiro sidii reer Awdal deked u heli lahaayeen.




Ugu danbayn waxaa hadal baraarujin iyo baaq ah u jeediyay qurba jooga ka soo jeeda Goboladan Awdal/Selel Iyo Gabiley Eng Bilaal waxa uuna ugu baaqay in gacmaha la is qabsado loogana wada qayb qaato dhismaha dekedda Lughaya sidii loo dhamaystiray wadada laamiga ah ee isku xidha Boorama iyo dilla.




Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii u danbeeyay ururka Ardaa ay ka heleen qayb ka mid ah qalabkii lagu bilaabi lahaa wajiga hore iyo deeqo lacageed oo ka timid jaaliyadaha Goboladan Awdal/Selel Iyo Gabiley qaybo ka mid ah oo dalka dibadiisa jooga tanina waxa ay tahay min bilow wanaagsan oo niyada u dajinaya shacabka reer Awdal ee go’doonka galay.




Mustafe caraale




Gobanimo news.com




Borama-somliland




DSC05690 DSC05694 DSC05695 DSC05696 DSC05697