Thursday, January 2, 2014

Somaliland: Wasaaradda Biyaha oo Kooxo Xaqiiqo raadina u kala dirtay Bari iyo Galbeed


Kooxahan ayaa wata qalab casriya oo warbixinaha toos ugu soo gudbinaya wasaaradda




Hargeysa (GNA)- Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland ayaa Maanta laba kooxood oo qalab casri ah ku qalabaysan u kale dirtay gobolada dalka.




 labadan kooxood ayaa soo kormeeri doona xaalada ceelasha dhaadheer ee biyaha ee Bariga iyo Galbeedka dalka.




Munaasibada kooban oo amba bixinta labadaasi kooxood loogu qabtay wasaarada khayraadka biyaha Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa lagaga dhawaaqay kala dirista kooxahan.




Wasiirka Biyaha somaliland ayaa xafladaasi hadal dardaaran ah uga jeediyay Kooxaha, waxaanu kula daraarmay inay hawsha loo xilsaaray u soo fuliyaan si daacadnimo iyo waddaniyadi ku dheehantahay.




Wasiir Xuseen Axmed  Cabdule ayaa  yidhi “maanta aniga waxdaa ii farxad ah in aan halkan wasaarada khayraadka biyaha ku kale diraayo labadan kooxood oo bari iyo galbeed lagu kale bixi doona gobolada dalkeena si ay  xog uga soo ururiyaan xaalada ceelasha biyaha ee goboladaasi ceelasha dhaadheer ee laga cabo aad ka keentaan xog dhab ah oo aynu mustaqbalka wax ku qabano oo guud ahaan dadkeena wax u qabata.




Illaahayna waxaan idiinka baryayaa inuu xilkasi idiin fududeeyo”ayuu yidhi wasiirku.




Agaasimaha waaxda Biyaha ee wasaarada khayraadka biyaha C/raxmaan Faarax Darwiish oo wasiirka ka hor halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in labadan kooxood ay sitaan qalab casriya oo xarunta wasaarada si toos ah ugu soo gudbin doona xaalada ceelasha, dhaadheer ee gobolada dalka bari iyo galbeed.




Qalabkaasoo sida uu sheegay biyaha ku jira ceelasha a iyo caafimaadkooda ka waramaya, ayaa  wixii ay wasarada iyo labadaa koxoood dhamayn kari waayaan waxa loo gudbin doonaa Neyroobi .




Kooxaha ayaa sidoo kale la doonayaa inay saambalo ka keenaan macluumaadka goobaha biyaha ee ay tegayaan, sida uu sheegay agaasime Darwiish.




Qorshaha kala dirista kooxahan ayaa ah mid la doonayo in lagu qiimeeyo xaaladda biyaha ee dalka si looga duulo, isla markaana loo xaqiijiyo heerkooda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com