Muqdisho(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo saaka booqasho ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xerada tababarka ciidanka ee Jazeera ayaa sheegay in sanadkan 2014-ka uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka iyo dhamaamba ciidanka Qalabka-sida, sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo Al- Shabaab.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili weerarada kooxda al-shabaab ee Magaalada Caasimaddu soo xoogaysanayo, habacsnaan dhanka amniga ah awgeed.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay kormeerkiisan ku weheliyeen Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Faqi iyo kuxigeenadiisa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa ugu horeyn booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, isagoo sidoo kalena kormeeray qeybaha Wasaaraddu ka kooban tahay.
Mr C/wali Sheekh Axmed ayaa ku ammaanay saraakiisha ciidanka xoogga sida ay ugu soo dhabar-adeygeen difaaca Qaranka iyada oo aaney jirin xaquuq iyo daryeel dhamaystiran.
"Waxaan idin ku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran, ummadda Soomaaliyeedna idinma ilaawi doonto" ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka Xoogga, isaga oo dhanka kale u balan qaaday in Xukuumada uu soo dhisayo ay xoogga saari doonto joogteynta mushaaraadka ciidanka iyo Qalabeynta Ciidanka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku booriyay ciidanka Xoogga dalka in sanadkan ay u noqon doonto sanadkii dib-u-dhiska iyo sifeynta Xagjirka
"Sanadkan waxay u noqoneysaa sanadkii dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga iyo sifeynta kooxaha Xagjirka ah ee shacabka cunaqabateeyey horumarkana u diiday" ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli mar uu la hadlayay saraakiisha ciidanka Xoogga.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa dhowaan lagu wadaa inuu soo dhiso Golihiisa Wasiirada cusub, kaasoo badnaan doona Wasiiradii hore, waxaana mar uu Ra'iisul Wasaaruhu ka hadlayay magacaabidiisa kadib waxaa uu tilmaamay in muhiimada koowaad, labaad iyo saddexaad uu siinayo ammaanka.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa booqasho ku tegay xerada tababarka ciidanka ee Jazeera, wuxuuna halkaasi kula kulmay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga, wuxuuna u balan qaaday in Xukuumadu ay muhiimad gaar ah siineyso helista xaquuqdooda iyo qalabeyntoodaba, si ay uga qeyb qaataan sugida amniga iyo xasilinta.
Halkan ka Daawo: