Sawirrada Sanadka: Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Ciil-mooge + Eng. Faysal C. Waraabe +Madaxweyne Xasan Sheikh. Daawo oo Akhri Dareenka shacbiga
Hargeysa(GNA)-Sawirkan wuxuu si lama filaan ah uga soo muuqday maalmahan Mareegaha Bulshadu ku wada xidhiidho.
Dad badan ayaa dood iyo dareen celin badan ka sameeyay, waxaanay qaarkood sheegayaan inuu nusqaan siyaasaddeed ku yahay Somaliland.
Waxay leeyihiin waxay ka dhigantahay in Madaxweyne Siilaanyo la kulmay Nin Wasiirka ah xukuumadda Somaliya oo xaqirsan jiritaanka Somaliland.
Qaar badan oo ka mid ahi wuxuu ula muuqdaa muuqaal aad u cajiiba oo micno badan sameynaya.
Laakiinse dood kasta oo taagan Madaxweyne Siilaanyo iyo Ninkani waxay ka wada hadleen kulankaa taag taaga ku dhacay wax kasii hooseeya inkasta oo ay jirin karaan, inuu faahfaahiyo wixii lagaga wada hadlay.
Saddex sanadood ka hor siyaasadda Somaliland waxay u aqoonsanayd dambiile qofka lagu tuhmo inuu xidhiidh la leeyahay Siyaasadda Koonfurta Somaliya, iska dabaa in la wada hadlo iyo sawir la wada galee.
Isbedelka cusub ee ku yimi xidhiidhkii somaliland iyo Koonfurta ayaan wax la taaban karo u soo kordhin qadiyada somaliland, wax hoos uga sii dhaca mooyaane,waxaanay taasi sababtay in siyaasiyiin badan oo ay ku jiraan kuwii dib u xoraynta ka qayb qaatay shaki ka muujiyaan qorshaha xukuumadda Somaliland ee mustaqbalka.
“Waar wuxuu doonayaa Maamul Goboleed oo uu isu haystaa iminka”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Nin reer Hargeysa oo la yaabay Sawirka markii uu Face Book ku arkay.
Si kastaba ha ahaatee sawirkani wuxuu muujinayaa inuu jiro dus dus badan oo xukuumadda Siilaanyo kula macaamisho dawladda Xasan Sheikh Maxamuud, kuwaasoo aanay shacbigu waxba kala socon, isla markaana aan loo sheegin.
Iyadoo ay sidaasi jirto ayaa hadana Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe lagu cambaareeyay Sawir laga qaaday isagoo la fadhiya madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wasiirka arimaha dibada ee xukuumadda Federaalka.
Sawirkaasi ayaa cambeyn badan iyo dhaliil looga soo jeediyay Faysal Cali Waraabe, iyadoo su’aalo badan iyo layska waydiiyay, isla markaana lagu eedeeyay inuu qarannimada somaliland meel kaga dhacay.
Hadaba marka lays bar bar dhigo labadan sawir iyamaa la odhan karaa wuu eed badan yahay , sumcaddda qarannimada Somaliland ku faantaanu dhaawacaya?
Su’aashan ayaa dadka badankiisu kaga jawaabayaa in kan madaxweyne Siilaanyo kula jiro wasiirka Dekedda iyo Gaadiidka Somaliya Ciil-mooge Xirsi, faddexaad ku yahay aqalka looga arrimiyo somaliland oo markii ay Xafladda Jig-jiga kaga qayb galeenba la garab fadhiisiyay Maamul goboleedyada Somaliya ee Puntland iyo Jubaland.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com