Thursday, January 2, 2014

Somaliland: Hanti-dhawraha oo qabtay Gaadiid Sharci Been Abuura Dalka ku soo galay


Hargeysa, (GNA)- Hanti-dhawraha guud ee qaranka Md. Maxamuud  Aw Cabdi (Maxamuud Dheere) ayaa sheegay in ay qabteen gaadiid si sharci darro ah dalka loo soo galiyay  oo loo sameeyay waraaqo been abuura ah taarikada Somaliland oo been abuur ah.









 Hanti-dhawraha Guud Qaranka oo maanta u waramayay warbaahinta qaar waxa uu sheegay inay qabteen Gaadiid   lagu xidhay taariko been abuur ah oo loo sameeyay sharci been abuura. Waxaan isagoo arrimahaa kahadlaya yihdi,
“muddo dheer ayaanu daba taagnayn (ducoments) been abuura oo la sameeyo oo lagu lunsado canshuurta qaranka, kuwaas oo gaarsiisnaa ilaa xafiisyada dhamaantood inta shaambadahooda la samaysto, sida buugaagta wadista baabuurta (lisanada), buugaagta mulkiyadaha iyo kuwa buugaagta lacag qabashada” ayuu yidhi Hanti-dhawraha guud, waxaanu intaasi kudaray,
“dabadeena inta loo sameeyo si xarfadaysan oo baabuur loogu xidho dalka lagu soogaliyo iyagoo bilaa canshuura, runtii mudaan daba socday arrin  adag ayay ahayd muddo dheer ayay socotay dad badan ayaanu u xidh-xidhanay oo arrintaa ku eedaynay hadana waxaanu helnay baabuurtii qaatay nidaamkaa oo arrintoodii hada gacanta ku hayno”.
Maxamuud Dheere waxa uu intaas ku daray in darawaladii baabuurtan oo ay iyagana qabteen ay xidhan yihiin isla markaana ay u gudbin doonaan dacwadooda maxkamadaha si loo mariyo ciqaabta sharci ee sida uu tilmaamay jariimada ay galayso.