Thursday, January 2, 2014

Berbera: 70 ayaa laga shaqaaleysiiyey Dekeda, Madaarkaana 100 eeHalkee Loo Maraa!


magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil ayaa tan iyo markii xukuumada siilaanyo talada dalka la wareegtay waxaa ku soo kordhay dhalinyaro tiro badan oo ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo dhalinyaradaasi oo ka kala yimid burco,caynab,gar adag,ceel afweyne iyo deegaano kale oo ay degto beesha madaxweyne siilaanyo, wax yaabaha la yaabka leh ee aad markiiba ku ganayso dhalinyaradaasi waxaa ka mid ah dekeda halkee loo maraa iyo hotel barwaao xagee ayuu inaga xigaa, erayadaasi waxay ka soo fulaan dhalinyaradaasi oo aad garanayso in asyan hore u arag magaalada berbera, markaa xaalada magaalada berberi halkaais ayay maraysaa akhriste oo waxaa ka socda shaqaaleysiin bilaad xishood ah iyo hanaan qabyaaladeed kii ugu xumaa oo dhalinayaro tiro badan oo ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo lagu shaqaaleysiinayo.




akhriste magaaladan berbera waxaan kula kulmay dhalinyaro fara badan oo ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo oo aan kala shekeystay sida ay u helaan shaqada oo ay adag tahay qof dhalinyaro ahi in uu si sahlan u helo shaqo, markaasu iigu jawaabay miyaanad ogeyn dekeda waxaa ka shaqeeya 70 shaqale ah madaarkana 100 shaqaale ah, weliba anagu habeen kasta waxaan ku shirnaa hotel barwaaqo oo inta badan ah goobta aanu ku soo degno oo na looga kireeyey qolal aanu seexano isla markaana habeen kastana halkaasi ayaanu ku shirnaa oo ka tashanaa inta shaqeysa iyo inta hada timid ee shaqo u baahan iyo sidii xarunat madaxtooyada looga soo amri lahaa maareeyaha dekeda , isla markaana halkan madaarka dee wasiirkii ayaa jooga oo iyadu uma baahna amar oo waanu  tegnaa, sidaasi ayuu ku jawaabay wiil dhalinyaro ah oo aan kula kulmay magaalada berbera, inta badan meelaha shaqaalahan tirada badan laga shaqaaleysiiyey waxaa weeyi dekeda iyo madaarka magaalada berbera , waxay ilo ku dhaw dhaw dekedu sheegeen in xarunta madaxtooyada si toos ah looga soo shaqaaleysiiyo dhalinyarada tirada badan ee ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo , shaqaale ka tirsan dekeda ayaa ku calaacalay sowtan dekedii isku bedeshay qabiil iyo deegaamayntii la sheegi jiray in siilaanyo doonayo in uu beeshiisa ku biiro berbera walee hadii ay sidan ku sii socoto berberi goroyo heeryeysan ayaa noogu soo geli ayuu yidhi nin ka tirsan shaqaalaha dekeda oo ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo.




hanaanka xukuumada siilaanyo wax u wado ayaan qancin umada somaliland oo waxay dadka reer somaliland ku dhaliilayaan xukuumada siilaanyo in ay taladii dalku u gacan gashay dumar iyo caruur aan u meel dayey mustaqbalka iyo wada noolaanshaha umada wada degta ee reer somaliland, sidoo kale waxay shacabka reer somaliland la yaaban yihiin nidaamka qabyaaladadeed ee dalkii ka socda iyadoo intii uu siilaanyo dalka hogaaminayeyay sii korordhay qabyaaladii oo aan la arag ilaa in ku dhaw 15 sanno oo ay dalka hogaaminayeen madaxweyne Cigaal Allaha u naxariistee iyo madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin balse intii madaxweyne siilaanyo talada dalka hayey ay faraha ka baxday qabyaaladii iyo ku dhaqankeedii,taasina ay sabab u tahay ayaa la yidhi hanaakii dawladnimo iyo beeshii madaxweyne siilaanyo oo isku qasmay isla markaana dadka ka faalooda arimaha maamulka ayaa sheegaya in ay tahay qaabka maanta xukuumada siilaanyo wax u wado hanaan beelaysan oo salka ku haya wada tashi beeleed oo la moodo in lagu heshiiyey boobka hantida umada mudada ay xilka hayaan , taasina ay magac xumo dheer oo aan mudo hadi ay ka dhaxli doonaan beesha madaxweyne siilaanyo hadii aysan si deg deg ah uga noqon qabyaalada ay faraha kula jiraan.




Qore:Axmed Maxamed Xasan




Email:Axmed987@hotmail.com




Berbera/Somaliland