Thursday, January 2, 2014

Shirkada Somcable Oo Soo Bandhigtay Adeega Casri ah"Fibre Optic"


Hargeysa (GNA)- Shirkada Caalamiga ee Somcable ayaa soo bandhigtay Adeega Casri ah. Fibre Optic  ee internedka oo Xawaarihiisu yahay mid aad u sareeya oo qof walba oo reer Somaliland ahi ka faa’iideysanayo, waxa kale oo ay sheegen in Xarunta Guud ee Carwadu ku taallo ay u fidiyeen Adeeg Bilaash ah oo Khadka internedka ah.









Maareeyaha Guud ee Shirkada Somcable, Ibraahin Cali Yuusuf oo warbaahinta ugu warmay xafiiska ay ku leeyihiin Badhtamaha Carwada lixaad manta Hargeysa ka furantay.
Maareeyaha Guud ee Shirkada Somcable, Mr; Ibraahin Cali Yuusuf  oo sharaxaad kabixinaya adeegayadaasi casriga ee ay soo kordhiyeen waxa uu yidhi. “Sidaad arkaysaan waxa idiin muuqata  Bandhiga  quruxda badan ee Shirkada Somacable soo bandhigtay waxaanay ka turjumaysaa horumarka ay  Somaliland gaadhay ee dhinca Fibre Optic oo ah Internet Xawaarihiisu dheereynayo oo Il-bidhiqsigiiba aad wax walba aad ku daawan kartid, dhammaan xarunta guud ee ay ku taallo carwadu internedku waa Free ama Bilaasha, Internedkan aynu isticmaalayno wuxu ka awood badan yahay ka caalamka lagu isticmaalo sidda London ama New York, internedkan ayaa ka xaaware sareeya, haddii aan idin tuso Dabkan aad arkaysaan waa Fibre ka ay shirkada Somceble  dalka keentey waana  mid xawaarihiisu aad u sareeyo, waxan bulshada reer Somaliland ugu baaqayaa in ay sanadka cusub helayaan interned xawaarihiisu aad u sareeyo oo ay ka haqab beelan”, Ayuu yidhi. Maareeyaha Guud ee Shirkada Somcable,waxaanu istaas ku daray, “waana fursad muhiimay oo ay heleen oo ay shirkada Somceble u keentay, runtii waxa ka faa’iideysan doona dadka jecel waxbarashada iyo barashada Caafimadka  iyo waliba dhakhaatiirta adduunka joogta oo dalkeena toos u la soo xidhiidhi doona runtii waxa mahad leh Engineerada Shirkada Somcable oo arrintaasi suuro galiyey.”