Muqdisho(GNA)-Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa u muuqatay inay Kursiga waayi doonto, magacaabista golaha xukuumadda ee cusub.
Xaflad u muuqatay inay ku macasalaamaynayso shaqaalaha wasaaradda ayay ka sheegtay inay la shaqeyn doonto , ayna caawin doonto shaqaalaha wasaaradda haddii xilkeeda dib loogu soo celiyo iyo haddii ay ku weydo isbadalka cusub-ba.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Fowsiyo Yuusuf laga yaabo inay weydo xilka Wasiirka Arrimaha Dibada, waxaase ay u badan tahay in xil kale oo Wasaaradeed loo magacaabo.
Fowsiyo Yuusuf ayay xilka wasiirka arrimaha dibadda ay kula tartamayaan rag ku beel ah oo kala ah Ismaaciil Hurre Buubaa, Xildhibaan Ridwaan oo ka mid ah dadka aadka ugu dhow Madaxweynaha iyo Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil.
Golaha Wasiirada ayaa lagu wadaa in saddexda maalmood ee soo socda lagu dhawaaqayo, waxaana la hadal hayaa inay xukuumaddu ka tiro badnaan doonto tii hore.
Wasiirka ayaa ka mid ahayd xubnihii Golaha wasiirrada ee Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ku taageeray Mooshinkii lagu riday Reysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.
Aqlabiyadda Golaha Baarlamanka ayaa wacad ku marsan inay diidi doonaan xukuumadda cusub hadii lagu soo daro wasiirro ku jiray xukuumaddii fashilantay.
Haweenaydan ayaa ka midda xubnaha ay baarlamanku doonayaan inay gaashaanka u daruuraan ansixintooda.
Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa guulo badan ka gaadhay siyaasadda arrimaha dibada intii ay xilka haysay, laakiinse waxa jiray caqabado fara badan oo ka hor yimi.
Gobanimonews
Muqdisho Office