Thursday, January 2, 2014

Macaamiisha Dahabshiil Group oo fursad qaaliya ka helaya bandhig Carweedka 6-aad ee Somaliland


Adeegyada Shirkadda ee Xawaaladda, Isgaadhsiinta Somtel iyo Dahabshil Bank oo lagu Majeeran doono Adeegyo 50% qiimo dhimis lagu sameeyay.Booqo








Hargeysa(GNA)-Shirkada ugu weyn Xawaaladaha Soomaalida ee Dahabshiil Group iyo Faracyadeedda Isgaadhsiinta iyo Bangig Caalamiga ah ayaa qayb ka ah Bandhig Carweedka 6-aaad ee Somaliland oo ka socota Hudheelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa.



Dahabshiil Group ayaa isugu jirta Qeybta Xawaaladaha iyo Sarifka lacagaha Qalaad, Baanka Dahabshiil iyo Shirkada Isgaadhsiinta Somtel ee adeega Telefoonada iyo aaladaha internetka.




Shirkaddda ayaa si weyn uga dhex muuqata Carwada , iska markaana ku leh door aad u fiican oo ay soo dhaweeyeen Guud ahaanba macaamisha ku xidhan Shirkada Dahabshiil Group iyadoo, dadweynuhu aad uga mabsuudeen Adeegyada Isgaadhsiinta Somtel oo Qiimi dhimis fiican loogu sameeyay macaamiisha.




Adeegayada kala Duwan ee Shirkada Isgaadhsiinta Somtel ayaa, dadweynaha macaamiisheeda ah ugu soo bandhigayaan waxa ka mida qiimi dhimis aad u fiican iyo waxyaabo kale oo soo jiitey taas dadka oo ay ugu muhiimsanyihiin adeegyo casriya.




 Adeegyadan ayaa qayb ka ah bandhiga Dahabshiil Group ee Carwadan lixaad ee Somaliland, taasoo shirkaddo faro badan ku soo bandhigayaan wax soosaarkooda iyo adeegyada ay bixiyaan.




Maareeye Kuxigeenka Shirkada Dahabshiil Group Cabdi faarax ayaa si faahfaahsan uga xogwarmey Dahabshiil Group iyo waxyaabaha ay carwadan ugu soo bandhigayaan Macaamiishooda muddada ay socoto.




"Waxa maanta noo farxad ah inaanu idinku soo dhaweyno Goobta Dahabshiil Group ee uu kaga qeyb galayo carwada lixaad ee Somaliland iyadoo ay dhamaanba diyaar ku yihiin Faracyada Dahabshiil oo dhan Xawaalada,Baanka iyo Isgaadhsiinta Somtel .




run ahaantii maanta halkan waxaanu ku haynaa oo macaamishayada ugu soo bandhigeynaa adeeg balaadhan oo ay kamid tahey Adeegii Somtel oo aanu qiimo dhimis ku sameynay boqolkiiba konton intii aanu markii hore dadka ka qaadi jirney Somtel waxaad ka helaysaan Somaliland oo dhan Tuulo tuulo iyo Degmo kasta iyo waliba dalka Soomaaliya Somtel ,waa Shirkad balaadhan oo waxey iibineyso oo dhan waxa lagu sameeyay qiimi dhimis”Ayuu yidhi Cabdi Faarax.




 







Sarkaalka u hadlay Dahabshiil ayaa intaasi raaciyay”Waxa halkan idiinku diyaar ah Bank Dahabshiil oo aanu liisankii qaadaney oo aad ka helysaan dhamaan adeegii Maalgashiga iyo wixii macluumaad ah ee dheeraad ah, waxa kale oo idiinku diyaar ah Xawaaladii Dahabshiil oo accountyadii la furayay lacag diristii iyo sarifkii lacagaha qalaad intuba halkan ayay diyaar ugu yihiin macaamiishayada oo fursad aanu u siinay carwadan”ayuu hadalkiisa ku daray.




“ waxaana diyaar ku ah halkan Shaqaale tira badan oo adeegyda Dahabshiil Group idiin fududeynaya”ayuu yidhi  Maareeye Kuxigeenka Shirkada Dahabshiil Group sii hadlayay.




Dhinaca kale Waxa isaguna Carwadan goob joog ka ahaa Maareeyaha Guud ee Shirkada Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid oo u mahad celiyay dhamaan Ganacsatada Somaliland ee Carwadan kasoo Qeyb galey waxaanu yidhi.




“Hadaanu nahay Dahabshiil Group oo isugu jira Dahabshiil Banka , Somtel iyo Xawaaladaba intuba waanu kasoo qeyb qaadanay oo waxaanu soo bandhignay adeegyadii lanagu yaqaaney kuwa cusubna waanu keenay, aadbaanu ugu mahad celinaynaa cidii taageerada na siisay dacwadii aanu kula jirney Barclays waxey muujineysaa Ganacsigu meel kasta oo ay joogaan in ay dedaal u baahan yihiin,inaad mararka qaarkood go,aan adag u baahan tahey waxaanan ku faraxsanahay inaanay marna is badelayn adeega aanu u hayno macaamiishayada”Ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil.




Shirkada Isgaadhsiinta Somtel ayaa, Carwadan kusoo bandhigaysa Qiima dhimis aad u raali galinaya Guud ahaanba macaamiisha kala duwan ee adeegyada Shirkada Isgaadhsiinta Somtel, taas oo inta badan ka jaban dhinaca ku hadalka Telefoonka Shirkadaha kale ee Isgaadhsiinta.




Qiimo dhimista Shirkadda ayaa ka socon doonta mudada ay Carwadu socoto halkaasi, iyadoo ay macaamiishu ka heli doonaan adeegyo fara badan oo macaamiisha looga faa’idaynayo.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Curad1986@hotmail.com