Rag Dirayska Ciidanka Dawladda xidhan oo Qoys aroosa ku dilay duleedka Af-gooye iyo kuwo kale oo Degmada Huriwaa ku weeraray mid kale”Warbixin naxdin leh
Muqdisho(GNA)-Rag ku lebisan dareyska ciidamada milateriga dowlada Somalia ayaa shalay gelinkii dambe dil iyo dhaawac ugu geystay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose lamaane aroos ahaa oo la socday gaari ka ambabaxay magaalada Muqdisho.
Falkan ayaa saacado ka horeeyay weerar kale oo lagu qaaday aqalka ku yaala magaalada Muqdisho oo qoys cusub ku aqal geliyay, kaasoo koox hubaysan oo afka soo duubtay weerareen xalay caweyskii.
Afar nin oo ku lebisan dareyska ciidanka oo saddex ka mid ah ay hubeysnaayeen ayaa la sheegay iney wadada ka leexsadeen gaariga oo noociisu ahaa Homey, kaasoo ay ku qabsadeen inta u dhexeysa xerada Tadaamun iyo deegaanka laanta Buuro oo ku wada yaala duleedka degmada Afgooye.
Nimankan ayaa la sheegay inay toogteen Ninkii Arooska ahaa, gabadhiisiina dhaawac u geysteen, ka dib markii uu marxuumku isku dayay inuu xaaskiisa kala soo hadho Raga hubaysan oo damcay inay afduubaan, inkasta oo la sheegay inay kufsanayeen.
Qoyska farxadii arooskooda loogu bedelay Geerida iyo dhaawaca ayaa magacyadooda lagu sheegay Aadan iyo Binti, waxaanay ku sii jeedeen degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose, halkaasoo arooskoodu ka dhici lahaa.
Goob-joogeyaal ayaa sheegay inay Ninka arooska ah Rasaas ku fureen dableydu, taasoo qudha ka jartay Xaaskiisana lugta ka dhaawacday.
Raga hubaysan, ayaa baadhay dadkii la socday qoyska arooska ahaa, waxayna la tageen dhul ka fog halkii ay ka qabsadeen, iyagoo baartay dadkii ehelada ahaa ee gelbinayey lamaanaha arooska, kana dhacay wixii hanti ahaa ee ay wateen sida dahab, Mobile iyo lacago.
Dableyda ayaa markii ay qoyskaasi dhibaatada gaarsiiyeen baxsaday, isla markaana cid qabatay aanay jirin.
Saraakiisha ciidamada dowlada ee degmada Afgooye ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin falka argagaxa leh ,ayna baadi goob ugu jiraan soo qabashada kooxihii ka dambeeyey oo illaa hadda aan gacanta lagu heynin.
dhacdadan ayaa argagax iyo naxdin ku beertay bulshada deegaanka.
Dhinaca kale, Kooxo hubeysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa xalay weeraray guri uu ka dhacayay aroos oo ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa, kuwaasoo burburiyay qalab kuwa muusiga ah oo xaflada lagu ciyaariyey.
Goob joogayaal ayaa saxaafadda u sheegay in koox dhallinyaro ah oo wajiyada qarsaday watayna bastoolado iyo bambooyin ay soo galeen guriga, ayna markiiba burburiyeen qalabkii muusiga.
“waxay dadka ku amreen inay goobta ku kala tagaan, taasoo keentay in markiiba ay kala cararaan dadkii xafladda ku sugnaa oo lafahooda u baqay” sidaas waxa yiri mid ka mid ah ka qeyb galayaashii xafladaas arooska aheyd oo saxaafada la hadlay.
Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas, lamana aqoonsan kooxdan oo markii ay kala dareeriyeen dadkii meesha ka tegay.
Badhtamihii sanadkan ayay ahayd markii sidan oo kale weerar loogu qaaday Xaflad aroos, halkaasoo waxyeelo loogu geystay qoyskii arooska ahaa.
Weeraradan noocan oo kale ah ayaa muujinaya argagax gelin iyo dagaal nooc kale ah oo ka dhana Bulshada rayidka.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com