Xildhibaan iyo Askar AMISOM ka tirsan ayaa la wariyay in lagu dhaawacay qaraxyo ka dhacay Jazeera Hotel, bil ka dib Digniintii Al-shabaab ee Hudheelayaasha.Warbixin..
Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan 17-ruux ayaa ku dhintay, tiro lagu qiyaasay soddomeeyo kalena, waxa ka soo gaaray dhaawacyo qaraxyo mataano ah oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Hudheelka Al-jazeera ee agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sanadkii hore waxa ka dhacay qaraxyo khasaare badan sababay, waxaana xiligaasi degenaa oo kulamo uga socdeen madaxweynaha Somaliya Xasan sheikh Maxamuud oo xiligaasi la doortay.
Laba Qarax oo 40 Daqiiqo kala dambeeyay ayaa ka dhacay Afaafka hore ee Hudheelka Casriga ah ee Jaziira,kuwaasoo inta la hubo ay ku dhinteen 17 qof oo ay ku jiraan kusimihii Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir, ahna Taliyaha Saldhiga Degmada War-dhiigley Gaashaanle Dhexe Cabdiqani iyo askar kale, sida ay Gobanimonews wararka ku heshay.
Sidoo kale, waxa qaraxyadaasi la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Dawladda, kaasoo magaciisa la yidhaahdo Xildhibaan Bashiir Cabdoow iyo Askar ka tirsan Ciidanka AMISOM oo gurmad ahaan halkaasi u yimi, sida uu Gobanimonews uu sheegay qof goob-jooge ah.
Qaraxyo kale oo aan qasaaraha ka dhashay wali la xaqiijin, ayaa iyaguna ka dhacay Hudheelka Mobaarig ee agagaarka Guriga Shaqaalaha Dawladda.
Mid ka midda Qaraxyada ka dhacay Hudheelka Jazeera, ayaa waxa fuliyay qof ismiidaamiye ah oo watay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay , kaasoo lagu dhuftay gaari uu lahaa Taliyihii hore ee Nabasugida Gobolka Banaadir Khaliif Ereg,kana mida Saraakiisha sar sare ee Hey'adda Nabadsugida Qaranka.
Afar ka mid ahaa Ilaaladiisa ayaa ku dhintay qaraxa hore iyo labo kale oo Ilaalada hotelka ahaa.
Qaraxa labaad ayaa dhacay, xili uu socday gurmadka qaraxii hore u dhacay, waxaanu ka dhashay Gaari yaalay isla qoobta qaraxa hore ka dhacay, kaasoo la sheegay inay ku dhinteen askar iyo dad kale.
Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Dahir Saacid oo ka hadlay qaraxyadan dhacay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay banaanka hore ee Hotel Jazeera ku fashiliyeen labo qarax oo loo adeegsaday gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Gen. Saacid oo goor dhaweyd la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay toogteen labo ruux oo doonayay inay galaan gudaha Hotel Jazeera, si ay isugu qarxiyaan.
"Ciidamada dowladdu waxey ku jireen heegan buuxa tan iyo habeen hore kadib markii aynu ka war helnay qaraxyadaasi, hase yeeshee caawa ciidamadu waxey fashiliyeen dhamaan qaraxyadaasi argagixiso"ayuu yiri Gen. Saacid.
Taliyaha Booliska ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay adkeeyeen ammaanka caasimada, isla markaana xaalada ay iminka degan tahay.
Hase ahaatee meelo badan oo ka mida xaafadaha Magaalada ayaa laga dareemayaa cabsi badan, sida ay Gobanimonews ka soo xigatay goob-joogeyaal.
geesta kale,
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa weerarradan ku tilmaamay kuwo arxan-darro ah isagoo u hambalyeeyay ciidamada dowladda oo uu sheegay inay ku guuleysteen inay yareeyaan khasaaraha weerarradaas.
Mudane C/weli Sheekh Axmed ayaa tacsi u diray ehelladii dadkii halkaas ku dhintay, isagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ka adkaan doonto kuwa qaraxyadaas oo kale geysnaya.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan ayaa mar sii horeysay soo gaaray Hotelka, iyagoo caawa la wareegay ammaanka wadada dheer ee isku xirta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM4.
Digniintii Al-shabaab ee Mulkileyaasha Hudheeladda.
ururka Al-shabaab ayaa horaantii bishii November Mulkileyaasha Hudheelada ku war-gelliyay inay iska fogeeyaan Masuuliyiinta dawladda iyo dad kale ee ajaanibka ah, kuwaasoo ay sheegeen inay bartilmaameedsanayaan.
“Nin kuu digay kuma dilin, har iyo iyo habeen waxaan u taaganahay inaan leyno gaalada soo duushay iyo murtadiinta sidaas awgeed milkiilyaasha hotelada Muqdisho waxaan uga digeynaa iney soo dhoweystaan shaqsiyaadka ka tirsan dowlada ridada” sidaasi waxa warbaahinta u sheegay 10 Bishii November Sheikh Cabdicasiis Abuu Muscab.
Al-shabaab ayaa tobankii bishii 11 ee sanadkii tegay tobaneeyo ruux ku dilay weerar lagu qaaday Hudheelka Maka al-mukarama.
Ma jirto cid sheegatay qaraxyadan oo sidoo kale sababay bur-bur laxaadleh oo soo gaadhay guryo ka agdhawaa goobta ay ka dhaceen iyo Gaadiid isugu jira Ambulance-ka gurmadka ahaa iyo kuwo goobta yaalay oo dad leeyahay.
Waa markii labaad oo weerar qaraxyo ah lagu qaado Hotelka Jazeera oo ay degan yihiin Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, siyaasiyiin, dad qurbaha ka yimaada iyo ajaaniib.
Iyadoo ay ahayd bishii September ee sanadkii 2012 markii qaraxyo ismiidaamin lala eegtay, xilli uu deganaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligaas la doortay.
Si kastaba ha ahaatee qaraxyadan ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka dib markii ururka Al-shabaab hanjabaad u direen dadka qurbo jooga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaa oo ay eedeynayaan inay dhaqan xumo dalka ku soo kordhiyeen.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com
La soco wixii warar ka soo kordha..