Xildhibaanada Baarlamankii hore ka soo noqday oo shaki weyn dhaliyay.Warbixin
Garoowe(GNA)-Munaasibad lagu dhaarinayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Puntland, ayaa lagu qabtay xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe, saddex maalin ka dib markii lagu dhawaaqay xubnaha cusub.
Madaxweyne Puntland, xubno ka mida Musharixiinta Doorashooyinka u tartamaya iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qayb-galay, kuwaasoo uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Maamulka Jen.Cadde Muuse.
C/raxmaan Faroole oo dhaarta ka dib ka hadlay halkaas ayaa sheegey iney muhiim ay tahay in wadajirka iyo nabadda laga shaqeeyo isagoo ku amaaney Musharixiinta la tarmateysa xil-kasnimada ay muujiyeen.
Xubno ka mida musharaxiinta oo ay ka mid yihiin Jen. C/llaahi Saciid Samatar iyo Cali Cabdi Awaare, madaxweynihii hore ee Puntlnad Jen. Cadde Muuse, iyo Guddomiyiha Guddiga Khilaafaadka Eng. Yusuf Abshir Cadami iyo Afhayeenkooda, ayaa iyaguna munaasibaddasi ka hadlay.
Dhamaan dhinacyada ayaa sheegay in loo baahanyahay doorasho xalaal ah oo Gobolka ka dhacda, taasoo waajibkeeda ugu weyni saaranyahay Golaha cusub ee Baarlamanka.
Golaha Baarlamanka Puntland, ayaa bedelay kuwii hore ee la kala diray bishii August ee sanadkan.
8 Bisha Janaury, ayaa lagu wadaa in doorashada madaxweynenimadu ka dhacdo Gobolka, taasoo ay ku tartamayaan Musharixiin tiro badan.
Daneeyayaasha Doorashadan ayaa si weyn isha ugu haya hawlaha socda,hase ahaatee Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya Ncklas Kay oo door weyn ka qaatay inta badan hirgelinta qorshaha doorashooyinkan ayaan ilaa had aka hadal aragta Q.M ee Doorashada Baarlamanka.
Nickolas Kay, ayaa hore u sheegay inay si dhaw ula soconayaan doorashooyinka Gobolka, isagoo la hadlayay Isimadda Puntland bilihii la soo dhaafay.
Inta badan Musharixiinta Doorashada ayaa soo dhaweeyay xulista Baarlamanka la dhaariyay, balse waxa muuqata in Kay iyo saaxiibeyaashii kale ee daneyayaashu ka fiirsanayaan mawqifkoodda ku aadan.
Tiro badan oo ka midda Golaha wakiillada cusub ayaa ka soo noqday Baarlamankii hore ee la kala diray.
Arrintan ayaa sababteeda loo aanaynayaa inay timi ka dib markii ay Beelaha Gobollada qaarkood ku gacan saydheen inay xubno cusub keensadaan Baarlamanka cusub.
Beelahaasi waxa ka mida kuwa degen Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, kuwaasoo Isimaddoodu diideen inay ansixiyaan xubno cusub baarlamanka u metela.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com