Wednesday, January 1, 2014

Dhagayso-Xisbiga UCID Oo Xukuumada Dhaliilay


Borama(GNA) Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee gobolada Awdal/Salal Md. Ismaaciil Geele Cadar oo shir jaraaid ku qabtay maanta gudaha Boorama ayaa si kulul u dhaliilay xukuumada xisbiga Kulmiye, waxana uu sheegay in xukuumadu ay go’aansatay inay gobolka Awdal ka dhigto mid go’doon ah oo ay cuna qabatayni saaran tahay, sidoo kalena waxa uu shirkaasi jaraaid ku sheegay gudoomiyuhu in xaqa ka maqan gobolka Awdal loo baahan yahay in Qori Caaradii lagu raadiyo




Ugu horayntii isaga oo ka warbixinaya xaaladihii ugu dambeeyay ee uu ku soo arkay gobolka Awdal oo uu safar ku tagay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan gabi ahaanba gobolka Awdal/Salal ku soo maray socdaal qaatay mudo 4 maalmood ah, waxyaabahii aan ku soo arkay waxa ay ahaayeen wax yaab leh oo ku tusaya in gobolku uu dalka intiisa kale ka xidhan yahay, waxa aan arkay in la horjoogsaday waxyaabahii dadka gobolka uga soo dagayay dagmooyinka macmalka ah ee Lughaya iyo Saylac, waxa intan dheer in dhawaan cashuur xoogan lagu soo rogay waxyaabahii dadka uga soo gudbayay dhinaca Jibouti, taasi oo aan soo arkay baabuurtii oo dhawr stop-ood loo samaystay oo aanan waxba soo ari karin, intaasi waxa dheer in gabi ahaanba dugsiyadii yaryaraa ee ay dadka reer miyiga ah caruurtoodu wax ka baran jireen ee Feeding-ka (Quudinta lahaa) ay gabi ahaanba xukuumadu goysay, waxana aan waxaas oo dhan ku tilmaami karaa cunaqabatayn badheedh ah oo loogu talo galay gobolka inay si gaar ah u taabato.
Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi Gudoomiye Ismaaciil Geele “Dalka wax ka jira waan la wada soconaa in uu maalinba maalinta ka dambaysa uu sii galayo mugdi, gabi ahaanba hadalka ka soo yeedhaya axsaabta mucaaridka ah waa la diiday oo dhagaha ayaa laga furaystay, xukuumadu waxba way ka soo qaadi wayday hadalkii badbaadada ee odayaasha madasha wadatashiga, dimuquraadiyadii yarayd ee hanaqaadaysay waa la curyaamiyay, ma jiro wax xisbi ah oo halkan ka soconaya, waxana uu xaalku u dhurtay Qoys, mana dhacayso in dadka reer Awdal ay xaqooda kuw aayaan inay u garqaadaan habeen iyo maalinba Habar Xabuusheed iyo Habar Magaado”




Gudoomiyuhu isaga oo arinta reer Awdal wax ka taabtanaya ayaa waxa uu yidhi “Waad ogtihiin dalka Somaliya waxa ka hana qaaday maamul goboleedo, waxana aan garan laayahay waxa reer Awdal u diiday taasi ee aan dad kale u baryayno, waxana aan leeyahay reer Awdal maanta way dhamaatay xaq baa iga maqan iyo baryo, qof walba waxa uu leeyahay waxa uu goosto, xaqiinii doonta, maantana waxa aad ku heli kartaan xaqiina waa qori caaradii, dadkan aad baryaysaan ee aad leedihiin xaqayaga na siiya, waxa hubaal ah inay helitaanka xaqooda u soo dagaalameen oo ay u soo injiraysteen, ilaa ay injiri idinku gasho idinka oo halgan dabada haysata mooyaane wax xaq ah oo aad helaysaan ma jiro, wax fadhiga ku imanaya ma jirto, waxa aan leeyahay qurbojooga “waa idinka cida dadkan lug goysay ee biilka u soo diraysaa ee biilkiina goosta, oo aan dareeno in dhib badan ay jirto,




Ugu dambayntii waxa uu gudoomiye Ismaaciil yidhi “Maanta laga bilaabo aniga oo ah gudoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Awdal Md. Ismaaciil Geele Cadar waxa aan balan qaadayaa in waxa ka maqan gobolka Awdal aan qori ugu doono, ninka aanu warankaagu galina weedhaadu ma gasho, halgankana aniga oo Awdal State ah ayaa bilaabaya, cida kale ee damiir leh ee dareemaysa waxa aan dareemayana ha soo diyaargarowdo”]




[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Gudoomiyaha-Ucid-Oo-Ku-Dhawaaqay-In-Somaliland-Lagatashado.mp3"][/audio]