Laascaanood (Laascaanood)Taliyihii Xabsiga dhexe Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Taliye Cabdi Nuur Aadan iyo nin ka mid ah maxbiistii halkaasi ku xidhnayd oo lagu magacaabo Maxamuud Jaamac Xasan (Buudhi-gaab), ayaa todobaadkan u baxsaday dhinaca magaalada Gaalkacayo ee maamul goboleedka Puntland.
Maxamuud Jaamac Xasan (Buudhi-gaab), oo ah maxbuuska uu jeelka kala baxsaday taliyihii jeelka magaalada Laascaanood Cabdinuur Aadan ayaa loo haystay ama u xidhnaa lacag qadarkeedu dhan yahay 32 kun oo dollar, lacagtaasi oo uu ka dhacay shirkad ganacsi oo uu wakiil uga ahaa magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay in taliyaha la baxsaday ay ku wada heshiiyeen in ay qaybsadaan lacagta uu dhacay isla maraana uu jeelka ka saaro.
Haddaba mid ka mid ah ehelada shirkada ganacsi ee lacagta laga dhacay oo ayaanu ku waraysanay khadka telefoonka isaga oo jooga magaalada Laascaanood, ninkaasi oo ka cudurdaartay in magaciisa la shaaciyo waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:-
“Ninka lacagta iga dhacay magaciisa waxaa la yidhaahdaa Maxamuud Jaamac Xasan (Buudhi-gaab), waxaanu ahaa wakiilkayga magaalada Boosaaso oo hawlahayga ganacsi ayuu halkaa u joogay, waxa uu iga dhacay lacag 32 kun oo doolar ah, oo ah saddexdii qaayimadood ee ugu dambeeyay, ninkii waanu soo qabanay oo maxkamaddii ugu horaysay ayaa xukuntay, rafcaan ayay ka qaateen, maxkamaddii labaadina way xukuntay. Waxaa caddaatay in ninkaasi uu iga dhacay lacagta intaa leeg, markii ay caddaatay in uu lacagtaas iga dhacayay ayay reerkoodii yidhaahdeen lacag baanu keenaynaa. Ninkii jeelka haystay ayay lacag siiyeen isaga iyo ninkii jeelka haystayba hore ayay u amba baxeen, jeelkuna waxa uu ahaa meeshii amniga dadka loo gayn jiray , jeelka dadka ku xidhan waxaa ka mid ahaa dad u xidhan arrimo la xidhiidha Al-shabaab, waxaa ku xidhan kuwo dad dilay, cid waliba way ku xidhan tahay, markaa ninkii taliyaha ahaa inta uu ka qaatay lacag yar oo qadarkeeda lagu qiyaasay toban kun oo doolar ayuu sii daayay ninkii.”
Markii ay maxkamaddii labaad xukuntay ayaa reerkoodi waxay yidhaahdeen lacagtii ayaanu keenaynaa, sidii aanu lacagtii uga sugaynay ayay taliyihii jeelka dhexe ee magaalada Laascaanood lacag siiyeen, oo magaciisa la yidhaahdo taliye Cabdinuur, taliyihii jeelkuna hore ayuu u amba baxay, nin xidhanba muu ahayn ee waxa uu ahaa nin lacag bixinayay oo xitaa jeelka qori ayuu ku dhex haystay taliyuhu u soo iibiyay, markii dambena labadii habeenimo ayuu sii daayay oo wuu baxsaday, taliyihii jeelkuna wuu raacay maantana labadoodiiba waxay joogaan Gaalkacayo.”
Ganacsadaha lacagta laga dhacay oo la waydiiyay sababta keentay in taliyuhu sii daayo eedaysanaha iyo xidhiidhka ka dhexeeyay labadooda waxa uu ku jawaabay “Xidhiidhka ka dhexeeyay waxa uu ahaa, markii la xidhay ninkan lacagta iga dhacay ayaa la is bartay, intii ayaa la is waraystay oo arrimihii dhaqaalaha iyo lacagihii uu hayay la iska waraystay ee ay noqotay in dhaqaalihii qayb la siiyo taliyihii sidaa darteed ayaa la isku raacay, dhaqaalahaas labadooda ka dhexeeyay ayaa sababay in la is raaco.”
“Hadaan kaaga waramo qaabkii iyo sifihii lagu sii daayay ninkan lacagta iga dhacay, goor labadii habeenimo ah ayaa jeelka laga sii daayay oo uu sii daayay taliyuhu, in muddo ahna ninkani maxbuus ba muu ahayn, jeelka dibada ayaa la fadhiisin jiray, waaniga kuu sheegay oo xitaa jeelka gudihiisa ayuu qori ku haystay uu u soo iibiyay taliyahii jeelka Laascaanood Taliye Cabdinuur, markii dambena way is raaceen oo waa ku waa wada baxsaday waxaanay hadda joogaan magaalada Gaalkacayo. Nin lacag haysta ayuu ahaa taliyahana ay saaxiibeen, markaa saaxiibtinimo ayaa la isku raaay.” Ayuu yidhi ganacsadaha lacagta laga dhacay, waxaanu intaa raaciyay “Haddeer waxay noqotay arrintu odayaashiisi warqad ayaa laga hayaa ay saxeexeen in ay lacagta bixinayaan iyagiina lama soo qaban. Markaa isaga ayaa la yidhi ka soo qaada, isaguna waxa uu yidhi waxaan haya lix qori, laba baaskooladood, lacag laba iyo toban dollar ah iyo gaadhi Noha ah intaas Ayaan hayaa buu yidhi, ninkii sidii aanu u suganay ayaa la yidhi wuu baxsaday, oo taliyaha ayaa sii daayay, arinkaasi halkaas ayuu taagan yahay cidina arrintaa waxba kama qaban, dee reerkoodii uun baanu ka sugaynaa lacagtii. Hadda qorshahayagu waxa weeye in sidii aanu waxayagii iyo lacagtayadii u heli lahayn aanu u doonano oo aanu sidii xaal noqdo ka war sugno.”
Axmed Macalin Maxamuud
dhaymoole999@hotmail.com