(GNA-Paris) – Wasiirka Ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in aanay ilaa hadda heshiis rasmiya kala saxeexan shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia, balse ay wadahadallo u bilaabeen Imaaraadka Sharqiya qaybteeda duulista, oo uu sheegay inay leeyihiin shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia.
Wasiirka oo maanta u waramay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA, ayaa caddeeyay in wadahadalka u bilaabmay Somaliland iyo waaxda duulista ee Imaaraadda Sharqia uu yahay mid dhankooda ka yimid, sababta isaga iyo Wasiirka duulistu Imaaraadka u tageenna ay ahayd codsi uga yimid madaxda duulista ee Imaaraadda Sharqia.