Sunday, June 1, 2014

Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf oo dalbaday Garsoor Caddaali ah


Hargeysa, May 31, 2014 (GNA) - Gudoomiyaha iyo Tifaftiraha Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige ayaa sheegay in aanay maxkamada hor-imanayn bari hadii wax laga badali waayo habka uu garsoorku uga garnaqayo kiiskooda, Waxaanay soo jeediyeen in wax laga qabto duris ay ku sameeyeen garsooraha iyo maxkamada qaadaysa dacwada masuuliyiinta Haatuf ay ku soo oogeen xubno xukuumada ka tirsani.




Dacwadan oo uu qaadayo garsoore Asad Nuur Cilmi ayaa dhagaysigeedii u horeeyey waxa uu ka bilaabmay 10-kii bishan maxkamada gobolka Hargeysa.




Hase yeeshee labada eedaysane ee Haatuf ayaa qareenadoodu waxay dhawr jeer u gudbiyeen gudoomiyaha maxkamada gobolka Hargeysa Faysal Dhaga-dhago codsiyo duris ah ay ku doonayeen in laga badalo garsooraha dacwada ka garnaqaya oo ay ku tilmaameen in aanu dhexdhexaad ka ahayn dacwadan balse uu u xaglinayo dhinaca masuuliyiinta xukuumada.




Waxa kale oo ay rafcaan ka qaateen maxkamada gobolka kadib markii ay afar xukun oo hore ay ku riday wargeyska iyo masuuliyiintiisa kuwaas oo kala ahaa xayiraadii lagu soo rogay xarunta wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times iyo madbacadihii wax u daabici jiray 7/4/2014, iyo xayiraadii labada website ee Somaliland times iyo Haatuf 16-kii April ee sanadkan la xayiray iyo xayiraadii safarka dibada ee lagu soo rogay gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftiraha Axmed Cali Cige.




Waxa kale oo ay eedaysaneyaashu hore u codsadeen iyagoo sii mariyey qareenadooda in dacwada lagu dabaqo xeerka saxaafada Somaliland ee Xeer Lr 27/2004, halka uu garsoorku ka adeegsanayo xukuumaduna kula ogoshahay xeerka ciqaabta ee Somalia.




Labada eedaysane waxay sheegeen in garsooraha dacwada qaadayey iyo gudoomiyaha maxkamada gobolka Hargeysa ay ku gacan saydheen dhamaan codsiyadaa, sidaas darteedna ay qaadacayaan dhagaysiga dacwadan ilaa iyo inta wax laga qabanayo cadaalad darada ay ka tirsanayaan hanaanka garnaqista dacwadooda. waxaanay sidaasi ku sheegeen masuuliyiinta Wargeyska Haatuf shirjaraa'id oo ay maanta ku qabteen magaaladda Hargeysa.




 




Ugu horayn gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo arintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxa ay maanta 31/5/2014 ku mudaysnayd dhagaysigii saddexaad ee dacwada lanoo haysto, garsooruhu dibuu u dhigay oo bari ayuu ka dhigay 1/6/2014-ka, waxaanu ilaa hada ku dhagan yahay oo ay garyaqaanada Haatuf kala hadleen duris, ilaa tiroba saddex jeer ayaanu durnay garsoorahan in lanaga badalo, sababtoo ah hab cadaaladeed kuma qaadayo kiiska, Illaahay iyo khalqigiisuba way arkayeen labadii dhagaysi siduu wax u waday ee xukun qarqoosh-nimada ah, kolkaa anagu waxa aanu doonaynay in lanaga badalo anaga oo codsiyadaa qornay dhawr jeer oo u gudbinay cida ay khusayso ee garsoorka ah.




Waxa kale oo aanu hore u codsanay in aanu hore rafcaan ka qaadano maxkamada gobolka oo uu gudoomiye ka yahay Faysal Dhago-dhago oo nagu riday afar xukun oo aananu midna iska difaacin oo uu u horeeyey kii lagu xayiray wargeyska, kii lagu xayiray in aanay madbaxaduhu waxba noo daabicin, kii lagu xayiray websiteyada Haatuf iyo Somaliland Times iyo kii lagu xayiray in aanu safaro dibada ugu baxi karo aniga iyo tifaftiraha.




Markay maxkamadu intaas oo xukun gaadhay waxaanu codsanay in aanu ambiil u qaadano maxkamada rafcaanka, codsigaa iyo codsiyadii kaleba oo ay ugu muhiimsanayn in xeerka saxaafada Somaliland lagu dabaqo dacwadayada maadaama oo uu jiro xeer saxaafadeed oo Somaliland u degsan, wixii doonaaba ha nagu dhacaane anagoo tirsanayna dulmi iyo tacadi badan oo naga soo wajahay xaga garsoorka, Bileyska iyo Xukuumada, waxaanu waxaas oo dhan kaga soo kabsan kar waxaas oo dhan xeerka saxaafada oo la dabaqo.




Xeer ilaalintu markii maxkamada la joogay way ka hadleen waxaanay nagu yidhaahdeen xeerkan yar ee aydun ina-Rayaale barigii ku khiyaamayseen anagu diyaar uma nihin in aanu ku camal falno”.




Gabogabadii Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu sheegay in dacwadooda loogu wareejiyo garsoore cadaali ah, isla markaana lagu dabaqo kiiskooda xeerka saxaafada Somaliland, lagana badalo maxkamada gobolka oo loogu wareejiyo maxkamada rafcaanka.

Daawo: Warka Bulshotv 31.5.2014

[youtube http://www.youtube.com/watch?v=_JnSyE4-Rhk?feature=player_embedded&w=640&h=360]

Reysal-wasaarihii hore ee Kenya oo dibad-baxyo ugu baaqay Taageerayaashiisa


Bilayska Kenya oo amar ku bixiyay inaan la soo dhaweyn karin Raila Odinga…




railyNairobi(GNA)-Ra’iisal wasaarihii  hore ee dalka kenya raila odinga ayaa maanta si wayn waxa loogu soo dhaweeyey airportka jomo Kenyatta.




Ondinga ayaa waxa soo dhaweyey kumanaan ah tageerayasha xisbigiisa.




Raila odinga ayaa labo bilood safar ugu maqnaa dalka maraykanka.




 kumankan qof ee soo dhawaynayey raila odinga ayaa gadodsana isla marka isugu uruuray beerta xoriyada ee uhuru park halkas oo u raila odinga kala Hadley, isagoona uga mahad celiyey sida wayn ee ay usoo dhaweeyeen.




Ondinga ayaa Taageerayaashiisa ugu baaqay inay bari iskugu soo baxaan fagaarah beerta xoriyada ee Magaalada Nairobi.




Maalintii shalay ayay ahay markii taliyaha ciidamada booliska kenya David kimanyu uu amar ku bixiyay  inaan lasoo dhawayn karin raila odinga.




Ciidamo fara badan ayaa lasoo dhoobey beerta xoriyada oo ay isugu soo baxeen kumaan qof oo tageersan raila odinga, kuwaasoo isku dayey inay kala dareriyan tagerayasha lakiin umay surta galin.




Cabdiraxmaan buurdhaab




Gobanimonews




kitale Kenya Office




email: curad1986@hotmail.com




 

Somaliland:Guurtida Dhexdhexaadinaysa Kulmiye oo caqabad kale lagu furay


Guddida Diwaan-gelinta Ururrada Siyaasadda oo dabka ku sii shiday Khilaafka Kulmiye iyo waan-waanta oo xas ku jirta..




ina ciyaaliGuddida jiritaankooda mugdiga sharci ku jiro ee Diwaan-gelinta Ururrada Siyaasadda iyo ansixinta Asxaabta Qaranka Somaliland ayaa Al-baab kale ku furay Xiisadda ka aloosan xisbiga talada haya ee Kulmiye oo dhexdhexaadintiisu socoto, kaddib markii ay Maanta ku dhawaaqeen in sharciyada la waafajiyey Guddida fulinta iyo golaha Dhexe ee dhinac ka mid ah Xisbigu dhawaan magacaabeen.




Warsaxaafaddeed ka soo baxay Komishankan oo wali sii shaqeeya, ayaa lagu sheegay in guddidu ansixiyeen Liisaskii ay u soo gudbiyeen Shir-guddoonka shirweynihii 3-aad ee Xisbigu ku dhawaaqeen todobaad ka hor, kaasoo bilow u ahaa xiisada murugsan ee ka dhaxaysa garabyada Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Xisbigu kala hogaaminayaan.




Talaabada Guddidu qaaday ayaa u muuqata mid dabka ku sii qabanaysa Khilaafkii hore ee jiray oo aan wali labada dhinac midkoodna ka tanaasulin mawqifkiisa, inkasta oo ergo Guurti ah isaga dabqaadayaan dhexdhexaadinta labada dhinac.




Guddida dhexdhexaadinta ayaa maanta gelinkii hore ku guulaystay inay labada dhinacba ka ogolaadaan joojinta shirar iska soo horjeeday oo ay u qaban lahaayeen Goleyaasha dhexe ee mid waliba dhankiisa magacaabay, taasoo  xabad joojin u ahayd khilaafka, si wixii ka dambeeya xalka looga wada hadlo.




Hase ahaatee ansixinta Golaha dhexe iyo guddida fulinta ee Xukuumaddu magacawday, ayaa keeni kara inay dhicisowdo dhexdhexaadinta Guurtidu, isla markaana xaaladu halkii ka sii bilaabanto.




Sida ay aaminsanyihiin dadka odorosa arrimaha siyaasaddu  talaabada Guddida diwaan-gelintu qaaday, ayaa meesha ka saaraysa kalsoonida dhinaca hogaanka xisbigu u muujiyeen Guurtida, caqabadna ku keenaysa wada hadal laga yeesho arrimaha laysku hayo.




Go’aanka Guddida diwaan-gelinta




war-saxaafadeed ay maanta soo saareen Guddida diwaan-gelinta Ururrada ayaa u dhignaa sidan:-




Ku: Hogaanka Xisbiga Kulmiye




Og: Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaran JSL




Og: Madaxweynaha J.S.L




Ujeeddoo: Cadayn




Anagoo tixraacayna Xeer No: 14 qoddobkiisa 25aad faqraddiisa 4aad iyo 5aad oo u dhigan sidan:




4-(shirweynaha xisbiga waxa lagu dooranayaa




b. xubnaha hogaanka Xisbiga iyo guddida fulinta




t. Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga




J. waxa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo Xeer hoosaadka Xisbiga)




5. (Liiska xubnaha guddida fulinta iyo Golaha Dhexe ee xisbiga iyo nuqul xeer hioosaadkooda ka mid ah waxa loo gudbinayaa xeer ilaalinta, komishanka Doorashooyinka iyo guddida diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo Ansixinta axsaabta qaranka muddo aan ka badnayn 30 maalmood shirweynaha kadib)




Anagoo tixraacayna qodobka 19aad ee distoorka Xisbiga Kulmiye xarafkiisa (x) faqradiisa 1aad oo u dhigan sidan (marka laga reebo xubnaha golaha dhexe ku soo gelaya qaabka ku xusan qodobka 27aad soo xulista xubnaha golaha dhexe waxa magacyadooda ergada goboladdu ku soo ururinayaan xoghaynta shirweynaha).




Anagoo tixraacayna qod 25aad ee Xeer No:14 ee u dhigan sidan (guddida diiwaangelinta wuxuu awood u leeyahay in uu soo saaro xeer nidaamiye (reuglations) xeerka habdhaqanka (Code of Conduct) iyo awaamiir (directives) aan ka hor imanayn xeerkan.




Gudidu waxay halkan ku cadaynaysaa




1. In uu na soo gaadhay go’aamadii shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye ee qabsoomay 28-29/04/2014




Go’aamadaas oo ah




1. Go’aamadii shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye




2. Liiska hogaanka ee Xisbiga Kulmiye




3. Liiska Guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye




4. Liiska Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye




Go’aamadan oo ay saxeexeen shirgudoonka shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye.




2. In aan guddida haba yaraatee aanay soo gaadhin go’aamo, liisas kale iyo wax cabashooyin ahi.




3. Iyadoo guddidu xafiiska fadhiday illaa lixdii galabnimo 6:00pm ee 29/05/2014 taariikhdaas oo ay ku ekayd waqtigii uu Xeer No:14 qodobkiisa 25aad ee aynu soo sheegnay ku xadeeyey wakhtiga kama danbaysta ah ee lasoo gudbin karo go’aamada shirweynaha.




Sidaas darteed, waxay guddidu aqoonsatay inay go’aamadaas soo gaadhay ee ay ku saxeexan yihiin shirguddoonkii shirweynaha 3aad ee xisbiga Kulmiye yihiin kuwa sharciga ah.




Allaa Mahad Leh




Saxeexa Magacyada guddida:




1. C/risaaq Jaamac Cumar




2. Aadan Geedi Qayaad




3. Cumar Xassan Axmed




4. Xasan Axmed Ducaale




5. Cabdalle Ibraahim Maxamed




6. Maxamed Cabdi maalik




7. Ismaaciil C/laahi Cali




Garabka Muuse




xubno ka mid ah garabka  Muuse Biixi ee iyaguna dhawaan Golaha dhexe iyo Guddida fulinta soo saaray,ayaa arrintan ku tilmaamay talaabo sharci daro ah.




Jiritaanka Guddida diwaan-gelinta.




Guddida Diwaan-gelinta Ururrada oo muddo xileedkoodu ahaa laba sanadood oo kaliya, ayaa sida ay aaminsanyihiin Sharciyaqaanadu,wakhtigu ka dhamaaday bishii October ee sanadkii 2013-ka.




Xeerka furista ururrada iyo ansixinta asxaabta ee xeer lr 14, ayaa dhigaya in guddida diwaan-gelinta wakhtigoodu ku koobanyahay laba sanadood.




Laakiinse Madaxweyne Siilaanyo, ayaa dabayaaqadii sanadkii hore digreeto madaxweyne ugu kordhiyey wakhtiga ay sii shaqaynayaan, taasoo aanay Goleyaasha xeer-dejintu wali ansixin,dhinaca kale xisbiyaddu macaaridku diidmo kala horyimaadeen, go’aanka muddo kordhinta loogu sameeyay.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

QM oo ka digtay Ciidan gaar ah oo Somaliland u samaysay amniga Shirkaddaha Shidaalka


UNHargeysa(GNA)-Guddida la socodka cunoqabateynta hubka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, ayaa ka digay ciidamo gaar ah oo ay Somaliland u diyaarinayso ilaalinta shaqaalaha ajaanibka ah ee shidaalka ka baadhaya bariga Somaliland.




War qoraal ah oo uu soo saaray Jarat Chopra oo ah madax guddida cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in aasaaska ciidamo noocan ah ay qalalaase ka abuurayaan gobolka, waxaanu muujiyay walaac.




 Mr. Jarat Chopra ayaa qoraalkiisa ku yidhi “In ciidamo noocaas ah la geeyo goobahaas waxa ay kor u qaadi kartaa khilaafyada gudaha iyo kuwa dibaddaba waliba haddii aan arintan si gaar ah taxadar looga muujin”.




Warka ka soo baxay monitoring group-ka ayaa lagu xusay in ciidamadan Tababar u socdo, isla markaana halistoodu tahay mid soo deg degaysa.




Ilaa afar boqol iyo labaatan askari oo u gaar ah ilaalinta Shaqaalaha sahaminta Shidaalka iyo Macdanta ee Gobolada bariga Somaliland, ayaa la sheegay in lagu tababarayo xeryo ku yaala Deegaanka Oog ee Gobolka Saraar.




Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Xukuumadda Siilaanyo ayaa horaantii sanadkan xaqiijiyay in ciidamo gaar ah loo samaynayo Mashaariicda baadhista shidaalka, kaddib markii cabsi dhanka amniga ah dalka uga baxday shirkadda Genel Energy oo Gobolka saraar ka bilaabi lahayd sahaminta.




Wasiirka Tamarta




Xuseen Cabdi Ducaale ayaa Golaha Sharci dejinta u sheegay in la mideynayo ammaanka Shirkaddaha shidaalka baadhaya, isla markaana ciidan gaar ah loo tababarayo.




Mashruuca Sahaminta Shidaalka oo ay xukuumadda talada haysaa ilaa shan shirkaddood heshiis kula gashay, ayaa waxa hore uga horyimi Bulshada iyo Hay’addaha sharci dejinta, iyadoo xiisad amni daro deegaanada qaar ka abuurtay.




dareenno hore




Iska hor-imaadyo ka dhacay  deegaamo ka mid ah Gobolka Sool oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyaad taageersan Maamulka la baxay Khaatumo ayaa lagu xidhiidhiyey inay salka ku hayaan kala riixasho deegaamo Saliida qani ku ah.




Ciidankan ayaa qoristooda ay dawladda Siilaanyo aad u qarisay.