Thursday, July 3, 2014

Sheeko xigmadaysan: Ma ila socotaa?Q5-aad


???????????????????????????????




Akhristeyaal waxaynu halkii ka sii ambo qaadaynaa Sheekaddeenii la baxday Ma ila socotaa oo aan maanta idiin soo gudbin doono qaybtii 5-aad.




Qisada maantana waxaynu ku bilaabmaysaa sidan:-




Beribaa waxa jiray Nin Xaakin ah oo Caan ka ahaa Deegaanka uu deggen yahay




Ninkan Xaakinka ahi wuxuu haystay Bir uu ku kala saaro dadka isqabta ee aan haysannin cid u kala markhti-furta, iyadoo labada qof ee is haya uu odhan jiray birtaa qaadda, taasoo laba qof ka beenta sheegaya aanu qaadi kari jirin.




Haddaba, maalin maalmha ka mid ah ayaa waxa isqabsaday laba Nin oo Magaalada wada deggenaa, labaas Nin oo mid ka mid ahi ka kale u dhiibtay Dahab Dhagaxaan ah.




Ka Dahabka loo dhiibtay wuxuu haystay Dukaan, halka ka kale ee Dahabka lahaa uu Xajka ku socday, isagoo doonayay  marka uu xajka ka soo laabto inuu iibsado Dahabkan oo sida la sheegay aad u faro badnaa.




Markii uu ka soo laabtay Xajka ayaa Ninkii dahabka u hayay uu dafiray, kaddibna waxay isula tageen Ninkii Xaakinka ahaa ee Magaalada deggenaa.




Waxaanu Ninkii Dahabka loo dhiibtay soo qaatay markii ay xaakinka u dacwo tagayeen,  Ul uu ku soo dhex riday dhagixii dahabka ahaa ee loo dhiibtay.




Dabadeed xaakinkii markii ay u yimaaddeen, wuxuu weydiiyey inay cidi la joogtay markii ay alaabta isu dhiibeen, waxaanu u sheegay ninkii Hantidu ka maqnayd inaanay  cidi joogtay jirin markuu dahabka u dhiibay.




Markii ay halkaa doodda labada Nin maraysay ayaa Xaakinkii wuxuu ku yidhi Birtan qaada, kadibna labadoodiiba way qaadeen, laakiinse waxa xusid  mudan Ninka dahabka loo dhiibtay waxa uu mar kasta oo uu birta qaadayo uu Ushii u dhiibanayay Ninkii qaanta u sheeganayay, dabadeed wuu qaadayay birta, sababtoo ay tahay markuu usha u dhiibo Ninkii dahabka lahaa waxay ka dhigan-tahay inaan waxba lagu lahayn oo Ninkii Mudduciga ahaa haysto wixii ka maqnaa ee uu u sheeganayay.




Ninkii Xaakinka ahaa  ayaa  Illaahay fajac u keenay, laakiinse sida uu caanka ku ahaa  wuxuu ahaa Nin caqli badan , waxaanu dareemay inay wax khaldan yihiin oo aanay xaajadu caadi ahayn.




Kaddibna wuxuu u fiirsaday Ushii uu sitay Ninka dhaca loo sheeganayay, dabaddeed ushii ayuu ka qaaday.




Ushii markuu ka qaaday ayuu labadoodiiba ku yidhi iminka Birta qaada.




Ninkii  dhacu ka maqnaa ayaa ku horreeyay oo markiiba sidiisii haf ka siiyay birtii. Kaddibna kii kale ee Dahabka loo dhiibtay dafiray ayaa is-yidhi qaad, balse nasiib-darro wuu qaadi kari waayay, taasoo fashilisay qorshihii uu doonayay inuu ku xalaashado Dahabka loo dhiibtay.




Dabadeed halkiibaa lagu baadhay Ushii uu sitay oo laga helay  dahabkii oo uu ku soo dhex guray, halkiibaana lagu xukumay xadhig iyo ganaax uu mutaystay, ninkii uu doonayay inuu dhacana dahabkiisii lagu siiyay.




Ma ila socotaa




Qorre: Boqor Faysal Cismaan Faarax




Hargeysa/Somaliland




Email: kindfaysal111@hotmail.com




Tel: 0634426644