Akhristeyaal waxaynu halkii ka soo ambo qaadaynaa sheekooyinkeenii Taxanaha ahaa ee Ma ila socotaan?
Sheekadda Maanta waxaynu ku soo qaadanynaa qiso dhex martay Nabi Ibraahim iyo Inankiisii Ismaaciil,taasoo ah qiso aad u cajiib badan oo aynu wax badan ka dhuuxi doono.
Hadaba sheekadu waxay ku bilaabmaysaa sidan:
Nabiyullaahi Ibraahim NNKH ayaa Maalin maalmaha ka mid ah Booqday Guriga Nabi ismaaciil oo ahaa wiilkiisii. dabadeed wuxuu guriga kula kulmay Gabadhii Inankiisa ee uu sodoga u ahaa oo aanu horay u arag.
Markii uu salaamay kaddib, waxa uu ka waraystay axwaashooda guud iyo tan gaar ahaaneed ee qoyska, isagoo waydiiyay meesha uu ku maqanyahay Ismaaciil.
Gabadhii way u warantay oo waxay u sheegtay inay Duruufo adag oo xaga nolosha ah ku jiraan oo uu Saygeedu waa Nabi Ismaaciil Nabad-gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee aanu waxba ugu jilnayn la tacaalida xaaladaha qoysku jiro. “wuu sii socdaa waanu soo socdaa waxna ma soo kordhinayo, iminkana wuu maqanyahay meel uu jirona garan mayno”ayay ku tidhi.
Intaas markay u sheegtay ayuu Nabi Ibraahim NNKH ku yidhi markuu yimaado waxaad ku tidhaahdaa Catabadda ama Xatabada Guriga bedel.
Ismaaciil ayaa markii uu yimi ay u warantay Gabadhiisii oo ay ku tidhi ninbaa ii yimi oo markii aanu iswaraysanay wuxuu igu yidhi “waxaad ku tidhaahdaa Ninkaagu marka uu yimaado, Xatabada Guriga bedel”!.
Ismaaciil ayaa u jawaabay oo ku yidhi “ninkaasi wuxuu ahaa Aabay, waxaanu igu yidhi Gabadhaada Fur!. “ laga bilaabo saacadanaa waad furantahay!”.
Sidii ayaanu ku furay Xaaskiisii.
Muddo markay ka soo wareegtay, ayaa hadana Nabi Ibraahim Maalin kale soo maray Gurigii Ismaaciil, iyadoo Gabadh kale oo uu Guursaday joogto, isna uu maqanyahay.
Kaddib sidii maantii hore si la mid ah ayuu u waraystay Gabadhii kale ee uu guursaday, isagoo aan Ibraahim isu sheegin.
Gabadhii ayaa warantay oo u sheegtay inay nimco iyo nolol wanaagsan ku jiraan, isla markaana wax dhibaato ah oo ay qabaan jirin, waanay soo dhaweysay, halka gabadhii hore ay daro kala hortagtay.
Markay u warantay ayaa Nabi Ibraahim NNKH waxa uu ku yidhi gabadhii “markuu yimaado, waxaad ku tidhaahdaa Xatamada Gurigaa adkayso”.
Sidii ayay ugu sheegtay Gabadhii Ismaaciil markuu yimi, waxaanay ku tidhi “Ninbaa ii yimi ku doonayay, dabadeed wuu tegay oo wuxuu yidhi waxaad ku tidhaahdaa Xatabadda Gurigaaga adkeyso”.
Ismaaciil ayaa u Jawaabay Xaaskiisii oo ku yidhi “wuxuu ahaa Aabbahay, waxaannu igu yidhi Xaaskaaga ilaali oo ha furin ee ku faro adayg”!.
Sidii ayaanu yeelay oo muu furin gabadhiisii labaad, tii horena wuxuu ku furay dayradii ay kala hortagtay Sodogeed oo uu aad uga xumaaday.
halkaa waxaynu ku xasuusanaynaa Murtida Soomaaliyeed ee odhanaysa:- “ haka dayrin waligaa noloshaad la deris tahay, ha u doobyin abidkaa mid kaloo ku dayasho ah”
Ma ila socotaa…
Qore: Boqor Faysal Cismaan Faarax
Hargeysa/ Somaliland
Email: kindfaysal111@hotmail.com
Tel: 0634426644