Toon(GNA) Hal askari ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad Maanta Tuulaa Toon ee koonfurta Magaalada Hargeysa ku dhex maray Xildhibaano ka kala tirsan Goleyaasha Deegaanka Hargeysa iyo Salaxlay oo u dhexeeyo muran arrimaha Dhulka ku salaysan.
Degmada Salaxley ayaa maamul ahaan hoos timaada Gobolka Maroodi jeex, hase ahaatee waa degmo ka madaxbanaaan Caasimada Hargeysa.
Khilaafka u dhexeeya labada Maamul degmo , ayaa waxa keenaya kala xadeyn la’aanta Gobollada iyo Degmooyinka, kuwaasoo aan wali lahayn soohdin kala qaybisa.
Xildhibaano ka socda Golaha deegaanka Hargeysa oo uu hor kacaayey Gudoomiyaha Dagmada Maxamuud Haybe ee Magaaalada Hargeysa, ayaa markii ay halkaa gaadheen waxa gacan ka hadal dhex maray kuwo kale oo ka socda lowyo caddo.
Dad goob-joog ah ayaa Warbaahinta u sheegay in khasaare gawaadhi ay wateen labada dhinac.
Khilaafkan markii labaad gacan ka hadalka dhaliyay ayaanay ilaa hada wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland xalin.
Murannada ka dhexeeya Golleyaasha Deegaamada ee dalka ayaa ah mid inta badan ku salaysan Dhulka ay maamulaan,.
hase ahaatee xiisad gacan ka hadal ah ayaa muujinaysa inay wasaaradda Daakhiligu lumisay doorkeedii kala jihaynta Deegaamada muranku u dhexeeyo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com