Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in gaadhi qaad siday
ay Al-Shabaab ku gubtay duleedka degmada Ceelbuur, iyadoo labo ruuxoo
gaadhiga la socday ay dileen.
Sida ay sheegayaan wararka gaadhmhigan oo ahaa Landrover ayaa qaad ka
keenay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaana uu qaadka u siday
deegaanka Ceel-Shiil oo ka tirsan degmada Ceelbuur.
Wararka ayaa intaa ku daraya in saddex ruux oo gaadhiga la socday ay
gacanta ku dhigeen, hase ahaatee uu mid ka mid ah ka baxsaday, waxaana
markii dambe ay toogteen labadii kale.
Labada ruux ee la dilay ayaa magacyadooda lagu sheegay maxamed abshir
iyo nin magaciisa lagu soo gaabiyay Nuune.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in gaadhiga qaadka siday ay meel fagaare ku
gubeen Al-Shabaab, inkastoo aanay ka hadlin tallaabadan.
Ma aha markii u horeysay ee Al-Shabaab ay gaadhi qaad siday ay gubaan,
hase ahaatee waxaa cusub in raggii siday inay dileen oo aanay horay u
dili jirin, marka ay gaadiid sida qaad gacanta ku dhigaan, waxaana ay
sii deyn jireen raggii siday ama darawalka gaadhiga waday.