Tuesday, July 1, 2014

1 Luulyo: Xuska Xornimadii Koonfur iyo midnimadii Soomaaliya


Maxaa ku cusub Maalinta ugu dambeysa todobaadka Qoomiyadaha Soomaalida ee xoroobay sanadka?




Reysal-wasaaraha Soomaaliya oo Hambalyo dareen kicin ah  u diray Dadka Soomaalida hoos ka akhri




 1luusMuqdisho(GNA)-23 sanaddood kaddib, isbedel ayaa ka muuqda waddan bur-buray oo aanay wali cago adag  ku taagayn  nabad-gelyada iyo hanaan dawladnimo ee ka dhisan oo ku yimi dib u heshiisiin iyo dariiq xas badan iyo xaaladdo qalafsan ka soo gudbay.




Xuska 54-guurada ka soo wareegtay markii ay Gobollada Koonfura Soomaaliya xornimada ka qaateen gumaystihii Talyaaniga ayaa diyaar-garowgeeda si weyn looga dareemayay Magaalada Muqdisho todobaadyadii ugu dambeeyay.




1 Luulyo gobollada Koonfurta waxa looga dabaal-degaa laba munaasibaddood oo isa saran, kuwaasoo kala ah xornimadii Muqdisho iyo midnimadii Waqooyi iyo Koonfur, hase ahaatee waxay dadka reer Somaliland uga dhigantahay maalin murugo iyo ciil xambaarsan oo Taariikh madow iyo dhibaato ka dhaxleen.




Waxaanay mar kale ku soo beegantay xili ay sanadkii 23-aad sii kala fogaanayaan goboladii ku midoobay Midninada Soomaaliya 1960-kii.




Reysal-wasaare Cabdiwali Sheikh oo Hambalyo dirayReysal




Si kastaba ha ahaatee Reysal-wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii 54aad ee ka soo wareegtay 1-dii Luuliyo 1960 caawa u diray  dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida.




“Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibedba. Waxaa leeyahay Hambalyo, waa maalintii laga xorroobay gumaysitihii Talyaaniga, waana midowgii waqooyi iyo koonfur” ayuu yiri Ra’isuul Wasaaraha oo dhanka kale sheegay in maalmo ka hor loo dabaal dagay 26-ka Juun 1960 oo ahayd maalintii ugu horreysay ee si xor ah calankeena looga taago ciidda Soomaaliya.




Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka ka hadlay ahmiyadda ay leedahay maalintan qiimaha badan oo ah maalintii ay soo noqotay sharaftii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed.




” Xornimada waxey ku timid naf hurid, halgan dheer, geesinimo, isku-duubni, midnimo iyo dadaal an kala joogsi lahayn oo ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed. Geesiyaashii u huray naftooda in xoriyadda la helo waxaa ka go’neyd midnimo iyo wadajir waara. Waajibka Soomaalinimo wuxuu na farayaa dhammaanteen inaan xusno, oo aan qadarino halgamayaashii naftooda u soo huray xuriyadda dalka Soomaaliya.. Shaki iigama jiro in Dalkayagu uu meel wanaagsan mari lahaa haddii aan ka bad-baadi laheyn burburkii, tafaraaruqa soo kala dhex galay shacabka Soomalaiyeed iyo dowlad la’aantii 23kii sano ee ugu danbeeyey. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii aan waddankeena u badbaadin lahaayeen loona soo celin lahaa sharaftii, amnigii, kala danbeyntii, dowladnimadii iyo sidii Ummadda soomaaliyeed ay aayaheeda uga tashan lahayd”.




26 June june ilaa 1 Jully waxa loo yaqaanaa todobaadka afrika, waxaana dalalka Djibouti, Somaliland iyo Soomaaliya looga dabaal degaa xoriyadii ay ka qaateen Gumaysteyaashii reer Yurub, sanadihii 1960-kii iyo 1977-kii.




1 Luulyo ayaa sanadkan Magaalada Muqdisho looga xusayaa si ka duwan siyaabihii hore, iyadoo Caawa ilaa beri ay ka soconayaan munaasibado lagu weynaynayo Maalintaas oo ka dhacaya meello kala duwan.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com




Goor dhow la soco Muuqaalka Munaasibada lagu xusayo 1 Jully oo Muqdisho ka dhacay....