Thursday, January 2, 2014

Wasiirka Amniga Qaranka oo Dhiig u Shubay Dadkii ku dhaawacmay qaraxyada Muqdisho


Muqdisho(GNA)-Ku simaha Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia  C/kariin Xuseen Guuleed ayaa booqday goobihii xalay weerarada isqarxinta ah ka dheceen iyo Cisbitaalka Madina oo la dhigay dadkii dhaawacmay.




Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen isku dayga weerarkaas oo ahaa in gudaha loo galo Hotelka.




"Ku tala galka weerarkaas wuxuu ahaa in Hotelka ay galaan, martida deganeyd Hotelka ay laayaan ama afduub ahaan u qabsadaan, waana la fashiliyay isku daygaas"ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.




Dhinaca kale, Waxa uu booqday isbitaalka Madiina oo la dhigay dhaawacyada ugu badan dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii xalay ka dhacay Hotelka Jazeera, waxaana uu bixiyay dhiig, kadib markii Maamulka Isbitaalka uu sheegay inuu ka dhamaaday keydkii dhiiga.




C/kariin Guuleed ayaa ugu baaqay shacabka inay dhiig bixiyaan, maadaama bandhigii Keydka dhiiga ee Isbitaalka uu dhamaaday, isla markaana dhaawacyada la geeyay oo qaarkood darnaa la siiyay keydkii dhiiga.




Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in rasaas xoog leh ay ka dhacday afaafka hore ee Hotelka, kadib markii uu qaraxa dhacay, iyadoo la sheegay in labo ruux oo hubeysneyd lagu dilay goobta.




Qaraxyo tiradooda lagu sheegay afar ayaa ka dhacay Hudheellada Jazeera iyo Mobaarik, kuwaasoo maalmo ka dimbeeyay hanjabaado ka yimi Ururka Al-shaabab.




laba Sarkaal oo Taliyeyaal ka ahaa Saldhigyo ku yaala Muqdisho ayaa ka mid ahaa dadkii xalay ku dhintay qaraxyada.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com