Monday, January 20, 2014

Wakaaladda Leydhka Hargeysa Oo Beenisay War Madaxweyne Xigeenka Lagu Sheegay In Wakaaladdoodu Lacag Ku Leedahay Gurigiisana Korontaddii Ka Jartay


Wakaaladda Laydhka Hargeys




Wakaaladda Leydhka Hargeysa Oo Beenisay War Madaxweyne Xigeenka Lagu Sheegay In Wakaaladdoodu Lacag Ku Leedahay Gurigiisana Korontaddii Ka Jartay




 




Hay’adda (Gobanimonews)20-1-2014- Korontadda ee Hargeysa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war laga baahiyey oo ku saabsanaa in Madaxweyne Xigeenka  Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay sheegeen inay Wakaaladu ku leedahay Lacag gaadhaysa 70 Milyan oo Somaliland shiligs ah(Todobaatan  Milyan oo S/and Shilings),isla markaana sidaasi darteed gurigiisa laga jaray Korontadda.




Maareeye Xigeenka Wakaaladda Korontadda  Hargeysa Cabdilaahi  Yuusuf Cilmi ayaa isaga oo Warbaahinta la hadlayey waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay War lagu sheegay Madaxweyne Xigeenka  Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ay gurigiisa Wakaaladoodu laydhkii ka jartay isla markaana Lacag dhan 70 Milyan oo S/land Shilings ah ku  leedahay,waxanu Warkaasi Wargeysyada magaaladda mid ka mid ahi qoray ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin isla markaana wax lacag ah iyo laydh laga jaray guriga Madaxweyne Xigeenka toona aanay jirin.




Cabdilaahi  Yuusuf Cilmi  waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“Sababta aanu Warbaahinta iskugu kiin yeedhnay waxa weeyaan waxa weeyaan in aanu ka jawaabno warbeen abuur ah oo uu naga qoray mid ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa magaaladda Hargeysa waa Cadadkiisii 140 ee soo baxay maanta(Shalay) oo sabti ah 19-kii Jaunry waa Wargeyska Xogogaal la yidhaahdo,waxa weeyaan warka uu qoray Wargeysku mid uu leeyahay waxa Wakaaladda Laydhka ee hargeysi ay Leygdhkii ka jartay Aqalka Madaxweyne Xigeenka  Somaliland Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Saylici) waxa aanu umadda iyo Warbaahinta kaleba u sheegayna in aanay haba yaraate warkaasi uu Wargeysku daabacay uu yahay mid meel ka dhac ah oo aanay waxba ka jirin gabi ahaanba,maadama oo ay cida ay waxka sheegeen ee soo qoreen yahay Madaxweyne Xigeenkii Qaranka oo ah shaqsi sharaf iyo karaamo inaga mudan oo aanay haboonayn in la yidhaahdo laguna eedeeyo waxa uu bixin waayey lacag iyo wixii la midah”




Maareeye Xigeenka oo Hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“Waxa ay Hay’adda Korontaddu caynaysa  in wax dayn ah oo gabi ahaanba aanu ku leenahay aanay jirin Madaxweyne Xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici waxa aanu si cad u cadayneynaa in aanu jirin gabi ahaan waana wax been abuur ah meel ay ka keeneen anagu garan mayno waxan ay qoreen  oo xata hadii ay odhan lahaayeen cid ayaanu ka soo xiganay waxbay ahaan lahayd ee waa wax aan sal iyo raadtoona lahayn taas ayaanu idiin sheegayna oo cadayneynaa”




Maareeye Xigeenka Wakaaladda Korontadda  Hargeysa Cabdilaahi  Yuusuf Cilmi  waxa uu intaasi raaciyey “Xaga kale waxa ay sii raaciyeen qoraalkan aan salka iyo raadka toona lahayn eenu saaka (shalay) ku aragnay  Joornaalka Xogogaal  Xubno Wasiiro ah oo ay leeyihiin lacag ayay Wakaaladda Korontadu u leedahay waxa ku markhaati furaysa inay tana been abuur tahay hadalka hore ee ay Madaxweyne Xigeenka qaranka Md Saylici,marka waxa aan ugu danbeyntii u sheegayaa in Wargeyska warkan meelka dhaca ah anaga ( Wakaaladda Laydhka Hargeysa ) ee Madaxweyne Xigeenka meel looga dhacaayey in aad soo cadaysaan arinta been abuurka ah ee aad qorteen waxanan mar kale ku celinayaa in aanay wax lacag ah oo aanu ku leenahay Madaxweyne Xigeenka Somaliland md  Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiiradda kale ee ay qoreenba waana arin aanay waxba ka jirin haba yaraate”




Wariye: Cabdiwali Cali Ismaaciil




Abdiwali1991@gmail.com




Gobanimogroup@gmail.com




Hargeysa Office /Somaliland