Kulankii ugu adkaa todobaadkan Premiership-ka England waxaa ku awood roonaatay kooxda Chelsea oo 3-1 ugu awood sheegatay dhigeeda kooxda Man United, inkastoo kulankan ka hor inta uusan bilabaanin koox walbo afka ku heesay inay dhibaha jeebka ku ridan doonto hadana macalin Jose Mourinho ayaa dhigiisa Moyes dhulka si xoog badan ugu riday cayaartan waxaa geesiga garoonka noqday Samuel Eto’o oo dhaliyay dhamaan goolasha ay Chelsea ku badisay wuxuuna goolasha dhaliyay daqiiqadaha kala ah (17, 45 iyo 49-aad) Ma United goolka qura oo ay la timid waxaa u dhaliyay Javier Hernadez daqiiqadii 78-aad).
Man United waxay la kulanta guuldaradii 7-aad ayadoo la cayaaray 22-kulan oo qura Premiership-ka haatana waay 12-dhibcood ka hooseysaa kooxda Arsenal oo horyaalka hogaamineyso sidaa darteed waxay u muuqataa in United ay isaga hartay loolanka loogu jiro ku guuleysiga horyaalka sidoo kale macali Moyes wuxuu kasii carooday in dhamaadkii kulankan kaarka cas loo taagay Namenja Vidic.
Dhanka Chelsea guusha ay gaartay ayaa ka dhigan inaysan ka harin kooxaha Arsenal iyo Man City oo ka sareeyaan waxaana haatan hogaanka weli looga hayaa 2-dhibcood sidaa darteed macalin Mourinho wuxuu u dabaal dagay guushiisii 100-aad ee Premiership-ka England!
Samuel Eto’o farxad dheeraad ah ayuu dareemay madaama uu Hat Trick dhaliyay markii ugu horeesay mudo 5-sano ah waxaana xidiga reer Cameroon ka dagi dooni cadaadis xoogan oo beryahan saarnaa.