Wednesday, January 1, 2014

Somaliland: Wasaaradda Caafimaadka oo qayb ka noqotay Shirkad Dhaqan xumadda faafisa


Faddeexaddo Dul hoganaya Wasaaradda Caafimaadka , ayaa si gaara ugu shaambadoobay Agaasimaha Wasaaraddaasi iyo Wasiirka




Hargeysa(GNA):-  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame, ayaa qayb ka noqday Fadeexad toddobaadkan ay dad shacab ah iyo Ardayda wax ka barata Machadka tabobbarka Shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay Hoolka Xarunta Hay’adda Shaqaalaha ugu galeen Dhalinyaro Wiilal iyo Gabdho isugu jira oo Hoolkaa muddo laba maalmood ah qoob-ka-ciyaar uga socday.




Tallaabada Dhalinyaradaa Gabadhaha iyo Wiilasha isugu jiray lagu barayey Jaaska ama qaabka qoob-ka-ciyaarka, ayaa la sheegay inay muddo sannad iyo dheeraad ah ka socotay qaybo badan oo Caasimadda Hargeysa ka mid ah, isla markaana ay Koox isugu jirta Ajaanib iyo dad reer Somaliland ahi lacag kaga urursadaan da’yarta dalka oo ay fikirro kala duwan ka dhaadhiciyaan, isla markaana lagu eedeeyey inay dhaqan-xumooyin lid ku ah Diinta Islaamka iyo Dhaqankeenna suubban baraan.




 




Kooxdan oo sheegtay inay Shirkad yihiin, isla markaana la baxay magaca Teuins, taasoo Shaadh caafimaad xidhan, ayaa waxay dhalinyarada ku xidhaa inay bixiyaan lacag dhan $220 (laba boqol iyo labaatan Doollar) oo kala ah laba boqol oo ay ugu sheegaan inay yihiin dawooyin ay siiyaan oo saddex nooc ah oo ay ugu kala sheegaan inay maydhayso Maskaxda, jidhkana ka dhigaysa mid aan gaboobaynin iyo inay ke celinayaan cudurradii ku dhici lahaa oo ay dawooyinkani u yihiin ka hor-tag wixii xanuun ku iman lahaa.




Halka labaatanka Doollar-na ay ugu sheegaan diiwaangelinta ugu horreysa iyo inuu qof weliba marka uu is-qoro ka dib keeno shan qof oo kale oo mid waliba shan kale keeni doono, si uu u helo dhaqaale, ugana mid noqdo waxa ay ugu yeedheen Hay’adda.




Fadeexaddan, ayaa markii ay soo shaac-baxday dhawr maalmood ka hor, waxay Warbaahintu wax ka weydiiysay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame, waxaanu Saxaafadda qaarkeed u sheegay inuu Hay’addaas Dhaqan-xumada faafisa uu siiyey oggolaanshaha ah inay Somaliland ka shaqeeyaan, isaga oo ku sheegay inay tahay Hay’ad ka ganacsatad Dawooyinka.




Tallaabadan Fashilantay oo ay dadweynaha reer Somaliland iyo dhalinyarada ka midka noqday qaarkood warbaahinta uga warrameen, ayaa taabanaysay dhinacyo kala duwan oo lid ku ah Dhaqanka Suubban, Diinta Islaamka iyo hannaanka caafimaad ee qofka bina-aadamka ah. Waxaana la sheegay inay Mashruucan oo lagu tilmaamay mid la mid ah Mashruuc 2009-kii lagu dhacay dadweyne badan oo reer Somaliland ah oo la baxay Jiif oo Jaq, ay ku lammaanayd faafinta Diinta Maseexiga iyo waxyaabo kale.




Arrintan soo shaac-baxday ayaa fadeexad ku ah guud ahaan Qaranka Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka, khaasatan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame oo isagu qayb ka noqday hirgelinta fadeexaddan, maaddaama oo uu yahay Masuulka oggolaanshaha siiyey Kooxdan wadda Dhaqan-xumada iyo la-dagaallanka Diinta Islaamka. Taasoo aanay jirin wax tallaabo ah oo ay illaa hadda ka qaadday kooxdaas Xukuumadda Somaliland.




Illaa hadda lama garanayo sababta Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ku kalliftay inuu soo dhaweeyo, isla markaana oggolaanshaha ay dadka ku dhacayaan siiyo Kooxdan la baxday magac Hay’adeed iyo waxa uu way-daarsaday ama dhaafsaday la-dagaallanka dhaqankiisa suubban iyo Diintiisa Islaamka toona.




hase-yeeshee, ila-wareedyada qaar ayaa tibaaxaya inuu Agaasimuhu qayb ka yahay dadka Shuraakada ku ah dhaqaalaha lagu soo xareeyo Mashruucan dadka reer Somaliland lagu dhacayo, Dhalinyaradana lagu dhaqan-doorinayo, Diintoodana lagu dhaawacayo.




Dhinaca kale, Gobanimonews  waxay heshay waraqo ay isdhaafsadeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland oo ogolaaday nooc ganacsiyeedka shirkadda laga shakisanyahay iyo Shirkadda oo codsanaysa in la siiyo sharciga ogolaanshiyaha iyo Hay’adda tayo dhawrka Qaranka oo ka dalbatay inay keento caddeymo la xidhiidha badeecadaha ay dalka keenayso.




Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa bishii tobanaad ee sanadkan Liisanka Ogolaanshiyaha siiyay Shirkadda.




Agaasimaha ayaa bixinta Warqadda ogolaanshiyaha ku sheegay in Wasiirka Caafimaadku markii ka fiirsaday badeecadaha ku xusan codsiga shirkadda uu u aqoonsaday kuwo aan dhibaato ku jirin, laakiinse laguma xusin dhamaan codsiyadda waxyaaha dhaqan xumadda ah ee ay shirkaddu ku kacday.




Waxyaabahaasi oo ah kuwa iminka xaasaasiyad dhaqan abuuray.




Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa markii ay qaraxday buuq iyo dareen ka dhex abuurtay wasaaradda Caafimaadka somaliland, taasoo la sheegay inay masuuliyiinteedu maalmaha soo socda go’aan burin ah ka soo saarayaan ogolaanshiyaha shirkadan la siiyay.




Waatan Warqadda uu Agaasimuhu ku bixiyay Liisanka:




 



 




halkan ka Akhri warkii aanu hore uga qornay: somalilandshirkaddo-qalin-shubato-ah-oo-sii-badheedh-ah-uga-hawl-gela-iyo-xidhiidhka-ka-dhexeeya-mashruucii-jiif-oo-jaq