Wednesday, January 1, 2014

Prof. Samatar Oo Kulan aqoon iswaydaarsi ah la qaatay Ardayda Jaamacadda Eelo


Borama(GNA) Kulankan oo ay ka soo qayb galeen arday aad u badan oo wax ka barata Jaamacadda Eelo, maamulka Jaamacadaas, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Wasiirka Beeraha, Wasiiru-dawlaha Maaliyada, maamulka gobolka Awdal iyo kan degmada Boorama, ayaa waxa uu u qabsoomay jawi aad u wanaagsan waxana halkaasi Prof. Samatar uu kaga hadlay dhamaan mawduucyo salka ku haya hormarka dhaqaalaha iyo midnimada.




Ugu horayn ayaa waxa hadalka furay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Eelo Prof. Khadar Cabdi Khaye, waxana uu soo dhaweeyay Prof. Samatar iyo wafdiga kale ee la socda ee wasiirada ah, waxana uu xusay kana sheekeeyay kaalinta ay bulshada ugu jirto Jaamacadda Eelo waxana uu yidhi “Jaamacada Eelo waa jaamacad loo aasaasay inay bulshada reer Awdal iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland ugu adeegto helitaanka aqoon hufan iyo cilmi isbedel muuqda ka sameeya bee’ada aan ku nool nahay, Jamaacadu waxay ka kooban tahay kuliyado dhawr ah waxana ay sanad walba soo saartaa arday badan oo aqoontoodu sarayso oo ilaa hada la ogyahay kaalinta ay bulshada kaga jiraan iyo sida ay u muujiyeen isbedelka dhinacyada badan ee ay bulshadu u baahan tahay”




Prof. Khadar oo hadalka sii wata ayaa xusay in kulankan ay caawa wada qaadanayaan Prof. Samatar iyo ardayda Jaamacadda Eelo uu yahay mid taariikhi ah fursado badana ay ku jiraan waxana uu yidhi “Waa fursan muhiim ah oo ay ardayda Jaamacada Eelo heleen, waa fursad muujinaysa inay Prof. Samatar la wadaagto ardaydo waayo aragnimadiisa ku aadan cilmiga iyo waayo aragnimada uu leeyahay, waxa kale oo xusid mudan in kulankan ay ka soo bixi doonaan qodobo dhaxal gal ah oo u adeegaya danaha guud ee bulshada iyo kor u qaadida baahida loo qabo ka arrinsiga wax ka qabashada duruufaha bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay u baahan yahay bulshadeenu, sidaasi aawadeed waxa aan ugu baaqayaa dhamaan ardayda Jaamacadda Eelo ee kulankan goobjooga u ahi inay si firfirsoon uga qayb qaataan dooda iyo falanqaybta socota, su’aalo caqliyad ku qotomana ka waydiiyaan Prof-ka mawduucyada ay maanka ku ahaan jawaabahana aanay wali u helin ee bulshada u danta ah.




Prof. Axamd Ismaaciil Samatar oo isaguna ka hadalay halkaasi ayaa ardayda uga waramay baahida loo qabo in waxbarashada la tayeeyo si aqoontu ay u noqoto mid aadamaha ama ardayda baranaysa wax u goysa, sidoo kale waxa uu Prof. Samatar sheegay in aqoonta oo lagu ladho fikir haboon iyo firfircooni dheeraad ah ay suura galin karo in da’yartu ay hiigsato daahfurka wax ka qabashada baahida bulshada ee dhinaca hormarinta dhaqaalaha.




Prof. Samatar oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa Alle Mahadii ah in dalkeenu uu leeyahay Xeeb balaadhan oo ka badbaadisay dib u dhaca ay maanta dunidan dhaxleen dalalka aan badaha lahayn ee loo yaqaan (Land Locked), sidaas aawadeed waxa loo baahan yahay in la ogsoonaado in dalkan khayraadkiisa laga faaiidaysan karo, si taasi loo hiigsadona, waxa lagama maarmaan ah in la iska kaashadu hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay wadooyinku ugu mudan yihiin, waa lagama maarmaan in laga qayb qaato dhismaha jidka Ceerigaabo iyo Burco, jidka Boorama iyo Lawyacado iyo dhamaan jidadka oo ah lafdhabarta hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, marka intaasi qaran hiigsado, waxa sidoo kale loo baahan yahay inay helaan hogaan suuban oo danaha dadkooda u adeega, kaasi oo bushada ku haga dhinaca wax qabadka, hadii labadaas la isla helo, aqoontana la tayeeyo dhalintuna ay siyaasada hiigsadaan waa hubaal in dalku hormari karo, balse waxa aan meesha ka maqnayn in ugu horayn la qaado talaabooyin wax ku ool ah oo lagaga dhawrsanayo qabyaalada iyo qaadka bulshadan Somaliland ka dhigay kuwo fadhiid ah, sidoo kalena waxa loo baahan yahay in sedex kalmadood laga saaro afsoomaaliga iyo ku fekerkoodaba, waxana ay kala yihiin “WAX I SII, MAXAAD II HAYSAA iyo WAX KEEN, waxana aan sheegayaa inay ereyadaasi yihiin kuwa noo horseeday isku dulnoolaashaha bushada dhexdeeda ah ee la dagay shaqadii iyo fikirkii, waxana aan doorbidi lahaa in lagu bedelo ereyadaas kuwo ay dulucdoodu tahay AAN WAX ISKU DARSANO”




Wasiiru-dawlaha Maaliyada ee Somaliland Md. Saxardiid Cadaani Mooge oo isaguna halkaasi ka hadalay ayaa sheegay inuu Prof. Samatar ku raacsan yahay dhamaan qodobada uu carrab-dhabay ee ka hadlaya waxqabadka iyo hormarka bulshada, isla markaana xukuumada xisbiga KULMIYE ay tahay mid u dhaqaaqday dhinaca hormarka.




Wasiiiru-dawluhu waxa uu ugu baaqay bulshada reer Awdal inay ka qayb qaataan dhismaha jidka dheer ee Ceerigaabo waxana uu yidhi “Jidkii Dila iyo Boorama ee horseeday fikirka caafimaadka qabay ee ahaa in dadku wax qabsan karayaan wuu dhismay waxana uu ku dhismay iskaashi dhex maray dadka reer Awdal iyo xukuumada oo kaashanaya dadka kale e qurbojooga ah, sidaasi aawadeed waxa aan ugu baaqaynaa dadka reer Awdal inay ka qayb qaataan dhismaha jidkaaas Ceerigaabo”




Prof. Khadar oo hadalka ku soo laabtay marlabaad kulankana soo gunaanaday ayaa waxa uu soo dhaweeyay dhismaha jidka Ceerigaabo, waxana uu sheegay inay ka qayb qaadanayaan ka jaamacad ahaan qaadhaanka loo ururinayo jidkaasi diyaarna u yihiin inay kaalin muuqata ka qaataan wax bixinta iyo hor u qaadista wacyigalinta ku aadan inay dadku ka qayb qaataan dhismaha jidkaasi isku xidhi doona Burco iyo Ceerigaabo.




Gobanimo news.com




Borama-somaliland




By:Mustafe caraale